Shirkad QM mashruuc ku siiyeen ilalainta xeebaha Somalia

Image

LONDON- Shirkad magaceeda la yiraahdo SRT Marine Systems PLC ayaa  shaacisay iney ku guuleysatey qandaraas ay bixisay Qaramada Midoobey kaas oo lagula soconayo dhaqdhaqaaqa doonyaha Kaluumeysiga Somalia.

Mashruucaan ayaa qayb ka ah barnaamijka caalmiga ah ee la dagalanka burcad badeedka Maraakiibta ka qabsata xeebaha dalka Somalia iyo Kaluumeysiga sharci darada ah.

Shirkada SRT ayaa qaybin doonta qalab lagula socdo dhaqdhaqaaqa doonyaha iyo aalad isgaarsiineed kaa soo  fariimaha u gudbin doona dayax gacmeedka. Warbixinta iyo la soco-shada doonyahaan ayaa waxaa Qaramada Midoobey u qaabilsanaan doona hay'ada cuntada aduunka FAO.

Mashruucaan Qaramada Midoobey qandaraaska ku bixisay ayaa waxaa tageeraya sanduuqa la dagaalanka burcad badeedka kaa soo ay ku midoobeen wadamada welwelka ka qaba amni darada burcadda Maraakiibta ka afduubta xeebaha Somalia.

Nidaamkaan cusub ayaa la sheegey in uu kor u qaadayo amaanka badaha iyadoo laga hor-tagayo dhaqdhaqaayada burcad badeedka iyadoo lala soconayo dhaqdhaqaaqa doonyaha Kaluumeysiga halka dhinaca la ogaanayo Kaluumeysiga sharci darada ah.

Shirkada mashruucaan qaadatey ayaa sheegtey iney ku faraxsan tahay qandaraskaan kooban ay ku guleysteen taasoo ka qayb qaadneysa in kor loo qaado wadan kale ilaalinta xeebihiisa.

Halkaan ka akhri maqalkaan oo ku qoran luqada Ingriiska

Related Articles

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM