Sidee ayuu Zelensky u arkaa xulafada reer galbeedka?
KYIV, Ukraine - Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Economist waxa uu ku sheegay aragtidiisa ku aadan dalalka reer galbeedka ee ka caawinaya dagaalka uu dalkiisa kula jiro Ruushka:
Wuxuu si adag u dhaleeceeyay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron in uu ku guuldareystay bixinta taageero militari waxa uuna ku sababeeyay cabsi ay ka qabaan Ruushka.
Waxa uu sheegay in Raysal wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska, Boris Johnson uu aad u jeclaa in uu soo diro taageero milatari, waxa uuna yiri, "Run ahaantii, Boris Johnson waa hogaamiye jecel in uu caawimaad bixiyo.”
Zelenskyy ayaa sidoo kale sheegay in Ingiriisku ahaa garabkooda balse aysan haynin qorsho cusub oo looga bixi karo xaalada haatan jirta.
Ingiriiska ayaa dhan kale dhaleeceeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine tan iyo markii uu bilawday dagaalka, asagoo la garab taagnaa taageero af iyo maalba leh.
Waxaa kaloo xusid mudan in Boqortooyada Ingiriiska siiyeen dal ku gal bilaash ah dhammaan dadka kasoo baxsaday colaadda ka socota dalka Ukraine.
Volodymyr Zelensky oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri, "Ingiriisku waxuu doonayaa in ay Ukraine guulaysato Ruushkana uu guuldarreysato, laakiin diyaar uma ihi in aan sheego in Ingiriisku doonayo in dagaalku sii socdo iyo in kale.”
Jarmalka ayuu sheegay in ay isku dheelitirayaan xiriirka ay la leeyihiin labada dal, ayna eegayaan xaaladda ayagoo mudnaanta siinaya dhaqaalaha.
Waxaa kale oo uu sheegay in ay hadda xoogaa caawimaad ah siiyaan, ayna u kuur galayaan sida xaaladda isku badasho.
Zelenskyy ayaa aaminsan in haddii Jarmalka cadaadis la saaro ay caawimaad fiican bixin karaan, asagoo arintan ka hadlaya ayuu yiri, “Waxay sidoo kale eegayaan qaabka ay xaaladda u saameyso dalkooda, wayna bixin karaan kaalmo haddii uu jiro cadaadis gudaha ah.”
Wadamada reer galbeedka ayaa intooda badan cambaareeyay duulaanka Ruushka balse inta kaalmada milatari bixisay ayaa ah kuwa kooban, waxaana la rumeysan yahay in hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Ukraine uu yahay mid uu dareensiinayo in ay wadamada kale ee Yurubta ku daydaan dalka Ingiriiska oo si buuxda u taageeraan ciidamadiisa.
GAROWE ONLINE