Sidee Caalamku uga falceliyay weerarkii Xuutiyiinta ee Abu Dhabi?
DUBAI, UAE – Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iran ayaa weerar ku qaaday Imaaraatka Carabta wax ay ku sheegeen howlgal loo adeegsaday gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Weerarkii Isniintii ayaa ka dhashay qaraxyo loo adeegsaday baabuur shidaal, waxaana ku dhintay saddex qof, lix kalena way ku dhaawacmeen, waxaana dab qabsaday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Abu Dhabi, oo ah xarunta ganacsiga iyo dalxiiska ee gobolka.
Aargoosi ahaan, Talaadadii Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay caasimadda Yemen ee Sanca, halkaasoo ay ku dileen in ka badan 12 qof.
Hadaba sidee adduunku uga fal celiyay weerarkii Isniintii?
Qaramada Midoobay
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres "wuxuu cambaareynayaa" weerarada looga shakisan yahay in ay yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn wuxuuna ugu baaqayaa "dhammaan dhinacyada in ay is xakameeyaan oo ay ka hortagaan wax kasta oo ka dhasha", ayuu yiri afhayeenkiisa.
"Weerarada ka dhanka ah rayidka iyo kaabayaasha rayidka waa mamnuuc sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada," Stephane Dujarric ayaa ku daray warkiisa ka dib weerarka.
Maraykanka
Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, uu weerarkaas cambaareeyay ka dib mar uu Khadka Telefoonka kula hadlay Dhigiisa Imaaraatka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed.
Lataliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan ayaa ku celiyay mowqifka Mareykanka ee “Weerarka Argagixiso ee Abu Dhabi”.
Waxa uu intaa ku daray in Washington ay ka shaqayn doonto sidii kooxda Xuutiyiinta loola xisaabtami lahaa ka dib markii ay sheegteen mas'uuliyadda dhacdada.
Sacuudi Carabiya
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa mar kale xaqiijisay in boqortooyadu ay si buuxda u garab taagan tahay Imaaraadka, iyadoo sheegtay in ay garab istaagi doonto Abu Dhabi wax kasta oo khatar ku ah ammaankeeda iyo xasiloonideeda.
"Boqortooyadu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in falkan argagixisanimo, oo ay ka dambeeyaan xoogagga shar-wadayaasha ah ee maleeshiyada argagixisada ah ee Xuutiyiinta, ay dib u xaqiijinayso halista kooxdan argagixisada ah iyo khatarta ay ku tahay amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka," Wasaaradda ayaa sidaasi ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
"Boqortooyadu waxay cadaysay in ay sii wadi doonto in ay ka hortagto dhammaan isku dayga iyo dhaqamada argagixisanimo ee maleeshiyada Xuutiyiinta iyada oo loo marayo hoggaankeeda ciidamada isbahaysiga si ay u taageeraan sharcinimada Yemen."
Qatar
Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegtay in Doha ay u aragto beegsiga xarumaha rayidka iyo xarumaha muhiimka ah fal “argagixiso” oo ka hor imaanaya qawaaniinta iyo xeerarka caalamiga ah.
Waxay ku celisay mowqifka adag ee dalka ee diidmada rabshadaha iyo falalka "argagixisada" ee lagu bartilmaameedsado rayidka iyo xarumaha rayidka.
Boqortooyada Ingiriiska
Boqortooyada Midowday (UK) waxay cambaareysay weerarkii loo adeegsaday Drone-ka ee ka dhacay Abu Dhabi "hadallada ugu adag".
"Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarrada argagaxisada ee Xuutiyiinta ee ka dhacay Imaaraadka Carabta," Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, Liz Truss ayaa ku soo qortay barteeda twitter-ka.
Faransiiska
Faransiiska ayaa muujiyay taageerada uu u hayo dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay in dhacdadii Isniintii ay halis ku tahay ammaanka gobolka.
"Weeraradani waxay khatar ku yihiin ammaanka Imaaraadka Carabta iyo xasilloonida gobolka," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Jean-Yves Le Drian.
Le Drian ayaa ku celiyay baaqiisii ahaa fallaagada Xuutiyiinta"ay si degdeg ah u joojiyaan falalka xasillooni darrada ah ee ay ka wadaan Yemen iyo gobolka iyo in ay si wax ku ool ah u galaan hannaan siyaasadeed oo si looga baxo dhibaatada".
"Faransiiska waxay dib u xaqiijineysaa abaabulkeeda iyada oo taageereysa joojinta colaadaha dalka oo dhan iyo dib u bilaabista wadahadalka iyada oo la eegayo heshiis siyaasadeed oo caalami ah oo hoos yimaada Qaramada Midoobay," ayuu yiri wasiirku.
Soomaaliya
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa cambaareeyay weeraradaas oo ay fulisay kooxda Xuutiyiinta oo adeegsatay diyaarado drone oo qaraxyo xambaarsan.
"Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka argagaxiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda,”
Turkiga
Afhayeenka baarlamaanka Turkiga ayaa sheegay in uu si adag u cambaareynayo weeraradii Abu Dhabi, wuxuuna tacsi u diray "Shacabka walaalaha ah iyo maamulka Imaaraadka" qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.
"Alle naxariistii jano haka waraabiyo kuwii ku naf waayey," ayuu raaciyay.
Pakistan
Pakistan waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarkii foosha xumaa ee “argagixisada” ee lagu qaaday Imaaraadka oo galaaftay nolosha, oo uu ku jiro mid u dhashay Pakistan, ayay wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay bayaan.
"Waxaan tacsi u direynaa qoysaska dhibanayaasha waxaana u rajeyneynaa soo kabasho degdeg ah kuwa dhaawacmay," ayay tiri.
“Weerarada noocan oo kale ah waxay xad-gudbinayaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Imaaraadka, waxayna khatar weyn ku yihiin nabadda iyo ammaanka gobolka. Pakistan waxa ay ku baaqaysaa in si degdeg ah loo joojiyo," ayaa lagu yidhi bayaanka.
GAROWE ONLINE