Sirta ganacsi sharci daro ah Soomaaliyana laga wadday oo la helay
WASHINGTON, USA - Warbixin cusub oo baadhis ah ayaa si faahfaahsan u soo bandhigtey shabakadda weyn ee naaftada ku tahriibisa Iran, taasoo daaha ka qaaday doorka ilaalada kacaanka iyo shirkadaha maraakiibta ee gaarka loo leeyahay ay ku leeyihiin ganacsiga sharci darada ah.
Wargeyska Washington Post oo warbixinta daabacay ayaa daaha ka qaaday in maraakiibta ay istaagaan Gacanka Faaris ee ka baxsan xuduudka dhulka Imaaraadka Carabta.
Sida ku xusan warbixinta, talaabadan ayay u qaadayaan si ay uga baxsadaan in ay ogaadaan ilaalada xeebaha ayna habeenkii sugaan doomo yar yar oo kalluumaysi oo keena Shidaalka Iran ee koontarabaanka ah.
"Hawshaas waxay qaadan kartaa afar ilaa shan habeen ilaa ay booyaduhu helaan culayska ugu badan," ayaa lagu yiri qayb kamid ah warbixintan macluumaadka culus soo bandhigtey.
Horay ayay u soo baxeen warbixino badan oo ku saabsan shabakada sirta ah ee Iran ee qaabilsan ka ganacsiga shidaalka laakiin warbixinta cusub ee baarista ayaa bixinaysa muuqaal cusub oo ah qaabka howlgalku loo fuliyo.
Macluumaadkan cusub waxaa bixiyey dhowr qof oo u dhashay Hindiya kuwaas oo u shaqeyn jiray shirkadaha oo fadhigoodu yahay Imaaraadka Carabta, kuwaas oo naaftada u dhoofin jiray Soomaaliya ama meelo kale.
"Marka laga soo tago wareejinta qarsoodiga ah ee xilliyada habeenkii ah, naaftada Iiraan ee u socota suuqyada caalamiga ah waxaa sidoo kale lagu raraa maraakiib kasoo shiraacaneysa Iran oo asalkeedu yahay shixnadda lagu farsameeyay dekedda Sharjah ee Imaaraatka si ay ugu ekaato mid ka timid Ciraaq ama Imaaraadka," ayay warbixintu raacisay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ganacsigani uu ahaa mid faa’iido badan leh xitaa ka hor inta uusan Mareykanka ka bixin heshiiskii Nukliyeerka ee 2015 oo uu cunaqabateyn ku soo rogay Iran.
Shidaalka iyo gaar ahaan naaftada ayaa aad ugu raqiisan Iran sababtoo ah kabka shidaalka ee culus ee dowladda. Hal jirgaan oo naafto ah waa 4 senti US oo keliya. Mareykanka ayaa cadaadis ku haya shidaalka Iiraan sababo ku aadan xiriirka xun ee kala dhaxeeya xukuumada Tehran.
GAROWE ONLINE