Siyaasi iyo walaalkii oo la toogtey iyaga oo la hadlaya saxaafadda

Image
Saddex nin oo iska-soo-dhigtey wariyeyaal ayaa xabsi ugu jira falkan qabsadey warbaahinta caalamka.

NEW DELHI, Hindiya - Siyaasi hore oo u dhashay dalka Hindiya oo lagu helay fal afduub ah ayaa la toogtey xilli uu wareysi toos ah siinayey mid kamid ah telefishinadda maxaliga ah. Walaalkii oo garab-taagnaa ayaa sidoo kale wuxuu ku dhintey falkan.

Atiq Axmed, oo ay booliisku galbinayeen, ayaa waxaa la sheegay in uu wajahayay eedeymo ku saabsan dil iyo weerar ah, isagoo la hadlayay saxafiyiinta markii qori looga qabtey qabtay madaxa.

Rasaasta kadib ayaa waxaa si deg deg ah isku soo dhiibay saddex nin oo isku soo dhigay wariyayaal kuwaas oo xabsiga la dhigay, sidda ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Wiil uu dhalay Atiq Axmed oo lagu magacaabo Asad iyo nin kale oo loo baadi goobayay kiis dil ah, ayaa waxaa toogtey booliska horaantii todobaadkan kadib is-rasaaseyn dhexmartey.

Axmed, oo hore u ahaa xildhibaan iyo walaalkii ayaa ku jiray xabsiga booliiska waxaana laga keenay magaaladda Prayagraj oo ku taal Uttar Pradesh, halkaas oo Axmed uu ku wajahayay eedeymo dil iyo weerar ah. Waxa la xidray 2019 markii lagu helay dambi ah afduub.

Bishii la soo dhaafay, Maxkamadda Sare ee Hindiya ayaa diiday inay dhageysato codsi uu soo jeediyey oo ahaa inay jirto khatar ka dhan ah noloshiisa taasoo uga imanaysa booliska.

Uttar Pradesh waxaa maamula xisbiga Hindu-ga ah ee BJP, waxaana xisbiyada mucaaradka ay la xiriiriyeen dilal qorsheysan iyo wax ay ku tilmaameen "habacsanaan dhanka ammaanka ah".

In ka badan 180 qof oo loo haysto dambiyo kala duwan ayay booliisku ku dileen gobolka Uttar Pradesh lixdii sano ee la soo dhaafay. Xisbiyada mucaaradka ayaa sheegay inay jirto jawi cabsi leh. Balse, xukuumadda New Delhi ayaa gaashaanka ku dhufatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 3 askari Mareykan ah oo ku dhintay howlgal ka dhan ah Iran – CENTCOM

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in shan askari oo kale ay soo…

  • Caalamka

    01-03-2026

  • 04:30PM

Imaaraadka oo ka digay tallaabo adag haddii weerarrada Iran sii socdaan

Markii la weydiiyay suurtagalnimada tallaabo militari, ayay sheegtay in arrintaas ay weli furan tahay.

  • Caalamka

    01-03-2026

  • 12:12PM