Soomaali ku hor-banaanbaxdey saldhig boolis gudaha Talyaaniga

Image
Image
Image

ROMA, Italy – Labaatan [20] ruux oo Soomaali ah ayaa aroornimadii Talaadada maanta ah waxay isu soo bax kooban ka hor-sameeyeen afaafka saldhig boolis oo ku yaala aaga Cernaia ee Roma, caasimadda wadanka Talyaaniga.

Wargeyska Lastampa ayaa wariyey in cabashada muwaadiniintan ay tahay in aan loo cusbooneysiin dukumiintiyadii socdaalka kuwaasoo bediil ugu ahaa baasaboorka muhiimna u ah in ay Yurub u dhaqaaqaan.

"Waxaa naloo sheegay in aan waydiisano safaaradda, balse kama aanan helin muddo sanad ah," ayuu yiri qof kamid ah dibad-baxayaasha.

Qaar kamid ah wadamada waqoyga qaarada Yurub, dukumiintiyada ay goobayaan shaqsiyaadka waa daruuri qofkii aan wadana waa la tarxiilaa.

Tabashooyinkan ayaan ahayn mid ku kooban Soomaalida. Maalmo kahor, waxaa saldhigyadda booliska tegay ajaaniib qaar Afganistan u dhashay.

Qaxootiga mudada badan joogay dalalka caalamka ayaa kamid ah dadyowga la siiyo dukumiintiyada socdaalka inta ay ka helayaan dhalashada iyo baasaboorka.

Dowlada Talyaaniga ayaa kaliya dukumiintiyada socdaalka waxay siisaa muwaadiniinta aan wadamadooda safaaradaha ku lahayn dalkaas, qaarka ku leh waxaa lagu xiraa shuruuda adag iyo in ay la yimaadaan sababo lagu qanci karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM