Soomaali toorey "ku weeraray" shaqsi Itoobiyaan ah oo xabsi loo taxaabay

Image

VALLETTA, Malta – Ciidamadda booliska Jaziirada Malta ayaa xabsi u taxaabay 31-jir Soomaali ah ka gedaal markii ay dirireen 36-jir Itoobiyaan ah, sidda ay ku warantay shabakadda maxaliga ah ee Malta Today.

Sidda ku xusan warbixinta oo lagu soo xigtay bileyska, dagaalka ayaa fiidnimadii Talaadada todobaadkan ka dhacay magaaladda Msida, waxaana booliska u yeeray shaqsiga kasoo jeeda waddanka Ethiopia.

Itoobiyaanka, sidda ku cad qoromada, wuxuu u sheegay booliska in ruuxa Soomaaliga ah uu kusoo weeraray Toorey kuna soo taagay hub kadib markii ay ku murmeen banaanka bakhaar khamri.

"Saraakiisha ayaa deg-deg ku dhex-gelay. Ciidamadda la dagaalanka fal-dambiyeedyadda ayaana tegay meesha. Waxay xaqiijiyeen warbixinta iyagoo soo xiray ninka la sheegay in uu weerarka geystay," ayaa lagu yiri warbixin kooban dhacdadan uu kasoo yeeray taliska bileyska.

Itoobiyaanka uu dhaawaca kasoo geeray weerarkan ayaa la sheegay in la dhigay Isbitaal si loogu daaweeyo, iyaddoo lagu daray liiska shaqsiyaadka ku dhaawacmay fal-dambiyeedyada Tooreyda.

"Garsoore Charmaine Galea ayaa waxaa loo magacaabay in uu baaro kiiska. Baarin kale oo Booliska bilaabayna wuu socdaa," ayuu bogga warbixintan daaha ka rogay intaas raaciyey.

Jaziirada Malta oo dhacda Yurub ayaa kamid ah wadamadda ay aadka ugu badan yihiin Soomaalida oo ku badankooda ku jooga qaxooti ahaan isla markaana qaarkood qorsheynayaan in ay dalal kale uga sii gudbaa halkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyay inuu fulinayo danaha Mareykanka iyo Israa'iil

Al-Xuuti ayaa ku andacooday in shacabka Falastiin ay yihiin kuwa ugu badan ee waxyeelladu ka soo gaartay siyaasadaha Sacuudi Carabiya.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 02:29PM

Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka oo Qiray Qaladaad ay Dawladdiisu Gashay

Maraykanka ayaa sannadkii hore marar kala duwan dib u dhigay baahinta faylasha Epstein oo ahaa dambiile lagu helay dambiyo la xidhiidha galmo.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 10:23AM