Soomaaliya: "Macawiisley" badan oo lagu diyaariya Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB - Soomaaliya ayaa ku soo wajahan marxalad muhiim u oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo ay ciidama amaanka ay sii xoojinayaan u diyaar garowga wajigii koowaad ee dagaalka oo heer gabo gabo ah maraya.

Deegaanka Mareergur ee ku dhow Dhuusamareeb ayaa dhawaan lagu soo bandhigay rag hubeysan oo dadka deegaanka ah oo is abaabulay kuna biiri doona halganka dib u xoreynta dalka. Abaabulkan ayaa muddo laga waday inta u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Xarardheere.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ay wehliyaan saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay ciidamdan inay daacad u noqdaan qaranka ayna soo afjraan firxadka al-Shabaab ee ku dhuumaleysanaya deegaanada qaar ee Galmudug.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in 15,000 oo dagaalyahano ah la tababaray 7dii bilood ee la soo dhaafay. Ciidamadan ayaa diyaar u ah inay ka hortagaan khatarta Al-Shabaab, kana qeybgalaan wajiga 2aad ee dagaalka..

Hogaamiyayaasha ciidankan abaabulan ayaa wacad ku maray inay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab, iyagoo doonaya in Soomaaliya ay dib ugu soo celiyaan xasiloonida iyo nabadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM

Trump oo si rasmi ah u taageeray ololaha doorashada Benjamin Netanyahu

Trump ayaa intaas ku daray in Netanyahu uu muujiyay adkaysi, geesinimo iyo karti, inkasta oo uu wajahayo mucaaradad xooggan.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:07PM