Soomaaliya: "Macawiisley" badan oo lagu diyaariya Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB - Soomaaliya ayaa ku soo wajahan marxalad muhiim u oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo ay ciidama amaanka ay sii xoojinayaan u diyaar garowga wajigii koowaad ee dagaalka oo heer gabo gabo ah maraya.

Deegaanka Mareergur ee ku dhow Dhuusamareeb ayaa dhawaan lagu soo bandhigay rag hubeysan oo dadka deegaanka ah oo is abaabulay kuna biiri doona halganka dib u xoreynta dalka. Abaabulkan ayaa muddo laga waday inta u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Xarardheere.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ay wehliyaan saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay ciidamdan inay daacad u noqdaan qaranka ayna soo afjraan firxadka al-Shabaab ee ku dhuumaleysanaya deegaanada qaar ee Galmudug.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in 15,000 oo dagaalyahano ah la tababaray 7dii bilood ee la soo dhaafay. Ciidamadan ayaa diyaar u ah inay ka hortagaan khatarta Al-Shabaab, kana qeybgalaan wajiga 2aad ee dagaalka..

Hogaamiyayaasha ciidankan abaabulan ayaa wacad ku maray inay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab, iyagoo doonaya in Soomaaliya ay dib ugu soo celiyaan xasiloonida iyo nabadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM