Sooyaalka xaaska Biden: Macalin hore oo noqoneysa afada koowaad
WASHINGTON, US – Murashaxa Dimuqraadiga Joe Biden ayaa lagu dhawaaqay in uu dhigiisa Jamhuuriga ahna madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Donald Trump kaga guuleystay tartanka madaxtinimada Mareykanka.
Biden, madaxweyne ku xigeenkii hore ee USA, ayaa xafiiska la wareegi doona bisha Janaayo. Kahor waxaa la xalin doonaa dhamaan doodaha sharciga waase hadii ay gudbiyaan Jamhuuriyiinta kuwaasoo ka dhawaajiyey.
Jill Biden, oo ah xaaska Joe, ayaa kaalin weyn ka cayaartay guushaan uu gaarey, maadaama ay si weyn u garab taagneyd tan iyo markii uu isa soo sharaxay xilka ugu sareeya United States of Ameerika.
Hadaba waa tuma Jill Biden?
Bishii June 3-deeda, sanadkii 1951 ayay ku dhalatay magaaladda Hammonton, gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka, waana 69-sano jir.
Madaxweynaha la doortay Biden ayay is-guursadeen 1977-dii, waana seygii labaad oo ay u dhaxdey kadib Bill Stevenson [1970–1975].
Aqalka Biden waxaa ka horeeyay in ay horey afar jeer ka caga-jiidey in ay aqbasho guurkiisa balse aakhiritaankii ay markii shanaad ogolaatay.
Waa xaaskii labaad oo Biden u dhaxda ka gedaal markii ay xaaskiisa iyo gabadhiisa ay shil gaari naxdin badan ku geeriyoodeen sanadkii 1972-dii.
Mrs Jill Biden oo ah 69-sano jir heer sarre ka gaartay waxbarashaddaayaa tobanaan sano waxay ahayd macalin luuqadda English-ka.
Baajulaarka iyo laba mastar waxaa u wehliya shahaadada ugu sareysa dhanka waxbarashadda University of Delaware ayay qaadatay 2007-dii.
Kahor intaysan u guurin Washington, DC, waxay wax ka dhigan jirtay kulliyadda bulshada, dugsiga sare ee dadweynaha iyo isbitaalka dhimirka ee dhallinyarada.
Shirka Guud ee Xisbiga Dimuqraadiga qabsaday sanadkan 2020 ayay khudbad ka jeedisay iyaddoo muuqaalka isaga soo duubtay fasalkii ay intii u dhaxeysay 1991 to 1993 ku baratay English-ka ee Iskuulka Sare ee Brandywine.
Markii seygeeda uu ahaa madaxweyne ku xigeenka, Mrs Biden ayaa borofeesar English-ka dhiga ka ahayd Kuliyada Bulshada ee Waqooyiga Virginia.
"Waxbariddu maahan waxa aan sameeyo. Waa cidda aan ahay," ayay ku tiri qoraal ay barteeda kusoo daabacdey Twitter-ka bishii Augusto xilligaas oo Joe Biden uu si dardar leh u wadda ololahiisa doorashada madaxtinimada.
GAROWE ONLINE