South Korea iyo Imaaraadka oo galay heshiis ku kacay balaayiin doolar

Image
Waddamada ayaa xoojiyey iskaashigooda difaaca tobankii sano ee la soo dhaafay.

DUBAI, UAE - Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa saxiixay heshiis horudhac ah oo balaayiin dollar ku kacaya oo uu kaga iibinayo gantaalada hawada laga soo rido Imaaraadka Carabta (UAE) mar uu booqasho ku tagay waddankaas Axadii.

Kadib markii ay magaalada Dubai kula kulmeen ra’iisul wasaaraha Imaaraatka Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, wadamadani waxay saxiixeen heshiis is afgarad ah oo Imaaraadku ku iibsanayo nidaamka difaaca gantaalada ridada dhexe ee Kuuriyada Koonfureed kaas oo lagu qiimeeyay ilaa 3.5 bilyan oo doolar, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap.

Ma jiro tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan heshiiska lagu dhawaaqay inta lagu guda jiro booqashada iyo sidoo kale wax hadal ah oo ka soo baxay Imaaraadka Carabta.

Sheikh Mohammed ayaa faafiyey sawirada kulanka wuxuuna sheegay in Imaaraadku uu ka raadinayo "is-kaashi dhaqaale oo istaraatiijiyadeed oo dhamaystiran" Kuuriyada Koonfureed.

Kuuriyadda Koonfureed ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah dalalka ugu badan ee dhoofiya gantaaladda hawada laga soo rido iyo maalgeliyayaasha mashaariicda tamarta guud ahaan caalamka.

Waddamada ayaa xoojiyey iskaashigooda difaaca tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ciidamada gaarka ah ee Kuuriyada Koonfureed u safreen Imaaraadka si ay u tababaraan ciidamada Imaaraatka oo sanado badan aan horay loo arag oo loo dirayo dalka Aasiya.

Dhanka kale, Imaaraadku wuxuu martigeliyay boqolaal ka mid ah shaqaalaha Kuuriyada Waqooyi sannadihii la soo dhaafay kuwaas oo dakhli muhiim ah u ah Pyongyang.

Cadaadiska cunaqabataynta uu Maraykanku hogaaminayo ee ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi waxay Abu Dhabi ku qasbeen in ay u dhaqaaqday in ay xidho shabakadda ayna joojisay cusboonaysiinta fiisaha shaqada ee Kuuriyada Waqooyi.

Related Articles

Turkey: 76 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

  • Caalamka

    22-01-2025

  • 05:03AM

Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 02:32PM