​Spain oo diiday in Afti ka dhacdo Catalonia

Image

Dowlada Spain ayaa sheegtay inaysan jiri doonin wax afti madaxbanaani ah oo ka dhaceysa gobolka Catalonia Axada, xilli maamula gobolkaasi uu sii wado diyaar-garoowga loogu jiro codbixinta aftida.

Wasiirka Dhaqanka ee dalka Spain Inigo Mendez de Vigo ayaa Jimcihii sheegay in codbixinta gooni isu taaga uu xadgudub ku yahay sharciga Spain isla markaana aysan dowladu aqbali doonin natiijada codbixinta.

Mas’uulkan isagoo ka hadlayay shir saxaafeed uu qabtay shirkii golaha wasiirrada waddankaas kadib ayuu tilmaamay in gobolkan u codayn doonin madax bannaanidiisa.

Spain ayaa dedaal kasta ku bixisay inaysan qabsoomin cod bixintaas, waxaana gobolka Catalonia la geeyay Booliis tiro badan iyadoo la sheegay inaan la adeegsan karin goobaha dowladda si afti loo qaado.

Waxaa sidoo kale ciidamada lagu amray inay la wareegaan agabka cod bixinta si looga hortago in gobolkaas ka madax bannaanado Spain inteeda kale.

Goor sii horaysay mas’uuliyiinta wada qorshaha gooni isu taagan Catalonia ayaa sheegay in muddo 48 saac gudahood ah ay ku dhawaaqi doonaan natiijada hadii dadkaas ay Haa u codeeyaan.

Muddooyinkii dambe waxaa gobolkan hareeyay khilaaf u dhaxeeya dowladda iyo dadka ku nool kuwaaso raadinaya dowladda madax bannaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM