Sucuudiga oo qabtay Gantaal ku socday Riyaad

Image

RIYAAD, Saudi- Gantaal ka samaysan Caag oo lagu tuuray magaalada Riyaad ee xarunta dalka Sucuudiga ayaa la qabtay sida laga baahiyay Telefishinta dowladaas.

Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay in ay qabteen gantaalkan inkastoo aysan faah faahin dheeraad ah ka bixin xilliga la ganay iyo meesha laga soo tuuray.

Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Sacuudiga ayaa sheegay in ay maqleen qarax, waxaana jira muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada kuwaasoo muujinaya Qiiq cirka isku shareeray.

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo garanayo Burkan-2 ay u rideen dhanka qasriga Yemen.

"Sucuudiga isaga ayaa dagaalka bilaabay, Jawaab celintooda waa sii soconayaa waana kordhayaa, ha ahaadaan kuwo lala eegtay gudaha Sucuudiga, ama ha la beegsado meelaha ay ka dulaan diyaaradahooda, ama aan bartilmaameedsano saldhigyadooda gudaha Yimid," sidaas waxaa yiri Mohammed Abdul Salam oo ah Afhayeen u hadlay Sucuudiga, kaasoo waraysi bishii hore siinayay telefishinka Al Jazera.

Tan iyo markii Xuutiyiinta Yemen ay dileen hogaamiyihii hore ee dalkaas Cali Cabdalla Saalax, waxay kor u qaadeen weerarada ka dhanka ah xulafada kasoo hor jeeda.

Bishii hore Gantaal ayay xulafadan ku rideen Garoonka Diyaaradaha magaalada Riyaad, taasoo kor u qaaday cabsida laga qabo kooxdan maamusha qaybo kamid ah dalka Yemen ee taageerada ka hesha Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Siisi oo u safraya Imaaraadka kadib wadahadallo uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh

Soomaaliya ayaa dhowaan hakisay heshiisyadii amniga, difaaca iyo dekedaha ee ay la lahayd Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    09-02-2026

  • 07:35AM

Bitcoin Oo Si Weyn Hoos Ugu Dhacday Xilli Suuqyada Caalamku Qalalaase Ku Jiraan

Falanqeeyayaasha maaliyadeed waxay sheegayaan in hoos u dhaca crypto…

  • Caalamka

    05-02-2026

  • 08:13PM