Suudaan oo iska fogeysay calooshood-u-shaqeystayaasha Wagner Group

Image
Khartuum ayaa beenisay warbixinada la xiriira in ay dalkaas ka howlgasho kooxdan laga leeyahay Ruushka.

KHARTUUM, Suudaan - Dowladda Suudaan ayaa Talaadada maanta ah waxay luuqad adag ay ku beenisay wararka ku saabsan in dalkaas ay ka howlgasho kooxda calooshood-u-shaqeysteyaasha Ruushka ee Wagner Group.

Bayaan ay soo saartay Talaadadii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa eedeymaha safiirrada Mareykanka, Britain iyo Norway ee ku aaddan dhaq-dhaqaaqyada Wagner ee Suudaan ku tilmaantay "faragelin qaawan oo lagu hayo arrimaha gudaha ee Suudaan."

March 21, sanadkan 2022-da, dowladaha Mareykanka, Britain iyo Norway ayaa shaaca ka dhigay in kooxda Wagner ay ku hawlan tahay hawlo sharci darro ah oo wax u dhimaya sharciga Suudaan.

"Gudaha Sudan, kooxda Wagner, oo ah shirkad milatari oo gaar ah oo si dhow loola xiriiriyo (madaxweynaha Ruushka Vladimir) Putin, waxay ku faafisaa warar been abuur ah baraha bulshada waxayna ku hawlan tahay hawlo sharci darro ah oo ku xiran macdanta dahabka," ayay dowladahan ku sheegeen war-saxaafadeed wadajir ah.

Balse wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan ayaa beenisay sheegashadaas, iyadda oo intaas ku dartey in saddexda dowladahan ay isku dayayaan in ay Suudaan ku soo jiidaan colaadda ka socota Ukraine.

Bayaanka ayaa lagu cambaareeyay eedeymaha dowladaha ee ku saabsan joogitaanka shirkadda amniga gaarka ah ee Ruushka ee Wagner ee Suudaan "si ay u fuliso tababar milatari, macdan qodis iyo falal kale oo sharci darro ah.

"Tani waa waxa ay dowladda Suudaan jeclaan lahayd inay gabi ahaanba beeniso," ayay raacisay. Shirkadaha amniga gaarka loo leeyahay ee Ruushka sida Wagner, Patriot, Sewa Security Service iyo RSB ayaa la og yahay inay joogitaan ku leeyihiin Afrika.

Sida laga soo xigtay Bloomberg, Kooxda Wagner waxay ku hawlan tahay tababaro iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyo sidoo kale ilaalinta macdanta dahabka, Angola, Liibiya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Madagascar, Mali, Mozambique iyo Zimbabwe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM