Syria: 1,000 qof oo ku dhintay dagaal u dhaxeeya Suniyiinta iyo Shiicada 

Image

DIMISHIQ — Kooxaha xuquuqda aadanaha ee kor kala socda xaaladda Suuriya ayaa Sabtidi sheegay, in ugu yaraan 1,000 qof lagu dilay isku dhacyo labadi maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay qeybo ka mid ah dalka Suuriya.

Isku dhacyada ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda cusub ee Suuriya iyo xoogag daacad u ah madaxweynihi xilka laga tuuray ee Bashar Assad. Wararka ayaa sheegaya in dadka la dilay qaar loo beegsaday heybtooda oo ah in ay kasoo jeedaan qowmiyadda Calawiga Shiicada ah ee laga tirada badanyahay ee Suuriya.

Kooxda xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, ayaa dilalki maalmihi lasoo dhaafay ku tilmaantay mid ka mid ah kuwi ugu khasaaraha badnaa ee Suuriya ka dhac tan iyo billoowgii dagaalka sokeeye muddo hadda laga joogo 14 sannadood.

Dadka rayidka ah ee la dilay ayay kooxdani ku sheegtay in ay gaarayaan 745 qof, kuwaas oo ay sheegtay in lagu dilay rasaas af-saar ah, dadka kale ee dagaalladaasi lagu dilay ayaa isugu jira 125 ka mid ah ciidamada dowladda, iyo 148 ka mid ah malleeshiyaadka mucaaridka ah.

Iska hor imaadyada ayaa intooda badan ka dhacay magaalada Latakia. Biyaha iyo korontada ayaa inta badan laga jaray magaaladaasi ay dagaan dadka Shiicada ah ee Calawiyiinta Suuriya.

Dowladda cusub ee Suuriya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ka jawaabeen weeraro uga yimid haraadiga ciidamadii Bashar Al Asad, iyada oo dilalka aargoosiga ah ee la sheegay in ay dhaceen Latakia ku sheegtay, ficillo ay sameeyeen shakhsiyaad.

Isku-dhacyadi billowday Khamiistii ayaa lagu tilmaamay caqabadi u horreysay ee ay gudaha ka wajaheyso dowladda Suuriya, saddex bilood kaddib marki ay awoodda xoog uga tuurtay qoyski Suuriya muddada dheer xakumayay ee Reer Asad.

Related Articles

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM

Iran oo Maraykanka Ka Dalbatay Inuu Ka Qaado Cunaqabateynta Dhaqaale

Labada dhinac ayaa todobaadyo badan waday wadahadallo adag oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.

  • Caalamka

    02-06-2025

  • 01:19PM