Syria: Haraadiga Bashar Al-Assad oo lagu soo afjaray dagaal dhiig badan ku daatey
Dimishiq — Wasaaradda difaaca ee Suuriya ayaa ku dhawaaqday in la soo afjaray howlgal milatari oo ka dhan ah taageerayaasha madaxweynihii xilka laga tuuray, Bashar al-Assad.
Dagaallo u dhexeeyay kooxaha daacad u ah Assad iyo xukuumadda cusub ee Islaamiga ah ayaa ka qarxay gobolka xeebta, oo ah xudunta taageerada madaxweynihii la tuuray.
Sida ay sheegtay hay’ad kormeerta dagaalka, rabshadahani waxay sababeen dhimashada in ka badan 1,000 qof, ay badankood ahaa shacab.
Afhayeenka wasaaradda difaaca, Xasan Cabdul Ghani, ayaa barta X ku sheegay in hay’adaha dowladda ay hadda dib u billaabi karaan shaqadoodii ayna bixin karaan adeegyada lagama maarmaanka ah.
"Waxaan gogol-xaar u sameyneynaa in noloshii caadiga ahayd dib usoo laabato, iyadoo la adkeynayo amniga iyo xasilloonida," ayuu yiri Cabdul Ghani.
Wuxuu intaas ku daray in la diyaariyay qorshayaal lagu ciribtirayo wixii ka haray xukuumaddii hore lagana hortagayo khatar kasta oo mustaqbalka iman karta.
Hoggaamiyaha Suuriya, Axmed al-Sharca, ayaa Axaddii ballan qaaday in la daba-gali doono kuwii ka dambeeyay rabshadihii dhacay, wuxuuna sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo jebisay xeerarka maamulka cusub.
Xafiiska al-Sharca ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la dhisayo guddi madax-bannaan oo baaritaan ku sameyn doona rabshadihii iyo dilalkii ay geysteen labada dhinac.
Cabdul Ghani ayaa xusay in ciidamada ammaanka ay si buuxda ula shaqeyn doonaan gudiga baaritaanka, iyagoo siineya marin buuxa si loo ogaado xaqiiqada dhacdooyinka, loona hubiyo cadaaladda.
"Waxaan guul ka gaarnay weerarradii xubnihii ka haray xukuumaddii hore iyo saraakiisheeda. Waxaan ka hortagnay weerarradoodii lama filaanka ahaa, anagoo ka fogeynay xarumaha istiraatiijiga ah, islamarkaana sugay amniga inta badan waddooyinka waaweyn," ayuu raaciyay.
Inkasta oo xaalad deggenaan ah ay jirtay kadib markii Assad xilka laga tuuray bishii December, haddana rabshaduhu waxay sare u kaceen maalmahan dambe, iyadoo ciidamo la xiriira xukuumadda cusub ee Islaamiga ah ay bilaabeen inay bartilmaameedsadaan kacdoon xooggan oo ka imanaya qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta.
Dagaalladu waxay isu beddeleen aargoosi ka dhan ah Calawiyiinta, oo ah laan ka tirsan Shiicada. Qowmiyadda Calawiyiinta waxaa si gaar ah loola xiriiriyaa inay ahaayeen taageerayaashii ugu adkaa ee Assad, waxaana xukunkiisii lagu eedeeyay inuu geystay xasuuq ka dhan ah bulshada Sunniyiinta ah ee Suuriya.
Hay’adda Kormeerka Xuquuqda Aadana Syria ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in dagaalladii socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof, oo ay ku jiraan 745 shacab ah, 125 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Suuriya iyo 148 dagaalyahan oo daacad u ahaa Assad.
Bashar al-Assad wuxuu sanadkii hore u baxsaday Ruushka, kadib markii xoogagga kacdoonka ee uu hoggaaminayo Axmed al-Sharca, oo ka tirsan ururka Hay’at Tahrir al-Sham, ay xukuumaddiisa rideen, taasoo soo afjartay tobanaan sano oo cabburin xooggan iyo dagaal sokeeye oo ba’an.