Taalibaan oo soo celinaysa ciqaabta gacan-goynta iyo dhagax ku dilida

Image

KABUL, Afghanistan – Hogaamiyaha kooxda Taliban ee haysa talada Afghanistan ayaa ku amray garsooreyaasha dalkaas in ay xukunada qaar ay ku saleeyaan shareecada Islaamka sidda gacan-goynta iyo dhagax ku dilida.

Afhayeenka Haibatullah Akhundzada ayaa tibaaxay in dambiyada qaar sidda dhaca, afduubka iyo ikhaa'inul wadanimada ay kula macaamili doonan sidda ay qabto shareecadda Islaamka.

Kadib markii ay talada la wareegeen bishii hore, Taliban ayaa balanqaadey in ay isbadal ku sameyn doonto xukunada noocaan ah. Imaatinkooda xukunka 1990-kii, waxay cambaareyn ciqaabta noocaan ah.

Inkasta oo Taliban aysan carabaabin nooca ciqabata iyo dambiyada ay ku saleyn doonto shareecada Islaamka, haddana BBC-da waxay qortey in ay ku jiraan xukunka dilka toogashadda iyo karbaashka goobaha fagaaraha.

Todobaadkii lasoo dhaafay, Taalibaan ayaa ka mamnuucdey haweenka in ay booqdaan goobaha dalxiiska magaalada Kabul. Horey waxay uga joojisay dumarka in ay tagaan xarumaha jirka lagu dhiso iyo waraha lagu dabaasho.

Malaayiin reer Afganistan ah ayaa wajahaya dhaqaale-xumo maadaama lacagta waddanka ay ku xayiran tahay caalamka isla markaana ay soo fasaxideeda shuruud uga dhigeyso in Talibaan ay ka dhabeyso balamihii ay qaadey.

Balamaha dhinacyadda horey u kala saxiixdeen ayaa la xiriira dhiancyadda ammaanka, dowladnimada iyo xuquuqda aadanaha. Qodobka ugu weyn wuxuu daaran yahay ilaalinta xuquuqda haweenka taasoo muran ka jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamad bin Jassim: Netanyahu Dagaalka Iran wuxuu u Adeegsanayaa Dib-u-Habeynta Bariga Dhexe

Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Mareykan ah ay hore uga caga jiideen dagaal buuxa oo lala galo Iran.

  • Caalamka

    11-05-2026

  • 01:06PM

Saudi Arabia iyo Kuwait oo Qaaday Xannibaadihii Hakiyay qorshaha Trump ee Hormuz

Labada dal ayaa horay u xaddiday adeegsiga saldhigyadooda si ay uga fogaadaan inay qayb ka noqdaan iska horimaad toos ah.

  • Caalamka

    08-05-2026

  • 07:12AM