Taalibaan oo soo celinaysa ciqaabta gacan-goynta iyo dhagax ku dilida

Image

KABUL, Afghanistan – Hogaamiyaha kooxda Taliban ee haysa talada Afghanistan ayaa ku amray garsooreyaasha dalkaas in ay xukunada qaar ay ku saleeyaan shareecada Islaamka sidda gacan-goynta iyo dhagax ku dilida.

Afhayeenka Haibatullah Akhundzada ayaa tibaaxay in dambiyada qaar sidda dhaca, afduubka iyo ikhaa'inul wadanimada ay kula macaamili doonan sidda ay qabto shareecadda Islaamka.

Kadib markii ay talada la wareegeen bishii hore, Taliban ayaa balanqaadey in ay isbadal ku sameyn doonto xukunada noocaan ah. Imaatinkooda xukunka 1990-kii, waxay cambaareyn ciqaabta noocaan ah.

Inkasta oo Taliban aysan carabaabin nooca ciqabata iyo dambiyada ay ku saleyn doonto shareecada Islaamka, haddana BBC-da waxay qortey in ay ku jiraan xukunka dilka toogashadda iyo karbaashka goobaha fagaaraha.

Todobaadkii lasoo dhaafay, Taalibaan ayaa ka mamnuucdey haweenka in ay booqdaan goobaha dalxiiska magaalada Kabul. Horey waxay uga joojisay dumarka in ay tagaan xarumaha jirka lagu dhiso iyo waraha lagu dabaasho.

Malaayiin reer Afganistan ah ayaa wajahaya dhaqaale-xumo maadaama lacagta waddanka ay ku xayiran tahay caalamka isla markaana ay soo fasaxideeda shuruud uga dhigeyso in Talibaan ay ka dhabeyso balamihii ay qaadey.

Balamaha dhinacyadda horey u kala saxiixdeen ayaa la xiriira dhiancyadda ammaanka, dowladnimada iyo xuquuqda aadanaha. Qodobka ugu weyn wuxuu daaran yahay ilaalinta xuquuqda haweenka taasoo muran ka jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hanjabay inuu Maxkamad la Tagayo The New York Times iyo CNN

Warbaahinta CNN ayaa si buuxda u difaacday shaqaalaheeda, iyagoo sheegay in warbixintoodu ahayd mid sax ah.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 07:32AM

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM