Taalibaan oo xorriyadooda dib ugu celisay wariyeyaal ay xirtey
KABUL, Afghanistan - Taaliban ayaa sii daysay saddex ka mid ah shaqaalaha telefishinka ugu weyn Afgaanistaan ee TOLOnews. Xariga wariyeyaasha ayaa yimid ka dib markii uu Telefishinku baahiyay sharciga cusub ee warbaahinta dalka kaas oo la sheegay in uu yahay mid xoriyadda ka qaadaya bahda saxaafadda.
Taaliban ayaa mamnuucday dhammaan baahinta afkaarta shisheeye, sida uu sheegay maamule ka tirsan kanaalka. Madaxa wararka, Khpalwak Sapai oo ka mid ahaa dadka la xiray ayaa sheegay in fiidnimadii Khamiista laga soo kaxeeyay xarunta magaalada Kabul ka dibna xabsiga la dhigay.
Sapai ayaa sidoo kale sheegay in asaga iyo Nafay Khaleeq oo ah la taliyaha sharciga ay ka soo baxeen xabsiga sacaado kadib waxaana lagu reebay Bahram Aman oo isna la soo fasaxay habeenkii jimcaha.
Bahram ayaa kusoo qoray bartiisa Facebook in ku dhawaad 24 saacadood ka dib laga siidaaye xabsiga. "Shaqadeenu waa in aan macluumaadka gaarsiino dadka," ayuu Sapai yiri ka dib markii uu Bahram Aman dib u helay xoriyadiisi.
Sapai ayaa yiri: "Waxaan mar walba soo jeedinaynaa in arrin kasta oo la xiriirta warbaahinta ama TOLOnews ay nala wadaagto Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka".
Moby Group, oo ah milkiilayaasha shabakada TOLOnews, ayaa sheegay in xiritaanku uu ka dhashay warbxinta uu muuq-baahiyaha siidaayay ee ah in aan la baahin karin ruwaayadaha wadamada shisheeye ee taxanaha ah.
Taaliban ayaa bayaan ay soo saaray xiritaanka ka dib ku sheegtay in aysan ogolaan doonin in lagu xadgudbo mabaadi'da Islaamka ama la wax yeeleeyo maskaxda dadka reer Afgaanistaan.
Bayaankan oo si toos ah loola wadaagay qayb kamid ah warbaahinta xorta ah ayaa sidoo kale lagu yiri: "Warbaahinta qaarkood waxay tabiyaan wax yaalo lid ku ah shucuurta diimeed ee bulshada iyo amniga qaranka. Kuwa qaswadayaasha ahna waxa ay ka helaan wararka dacaayadda ah ee ka dhanka ah dowladda".
GAROWE ONLINE