Taariikhda Biden: Mahadhooyinka shaqsiga ah iyo dhabihii Aqalka Cad

Image

WASHINGTON, US – Murashaxa xisbiga Dimuqraadiga Jeo Biden ayaa lagu dhawaaqay in uu kusoo baxay doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka ka gedaal markii uu ka adkaaday dhigiisa Jamhuuriga, Donald Trump.

Inkasta oo kooxda ololaha Trump sheegeen in aysan aqoonsaneyn natiijada la iclaamiyey, Biden ayaa sugaya illaa bisha Janaayo si uu ula wareego liijaanka Aqalka Cad. Mudadaas waxaa la eegayaa doodaha sharciga.

Biden oo dhigay iskoor ah in ay u coddeeyeen dadkii ugu badnaa taariikhda doorashada USA ayaa noqonaya madaxweynaha 46aad ee Mareykanka.

Waa kuma Joe Biden?

Laga soo bilaabo xirfadiisa qotada dheer ee siyaasada lagu geeyo mahadhooyinka shaqsiyadeed, waa kuma madaxweynaha la doortay ee Ameerika?

Bishii November 20-keeda, sanadkii 1942 ayuu ku dhashay magaaladda Scranton, ismaamulka guusha siiyey ee Pennsylvania ee wadanka Mareykanka.

Markii ugu horeysay taariikhda ayaa wuxuu qabashada kursiga ugu sareeya waddanka Mareykanka u tartamay sanadka markii uu ahaa 1988-kii.

Sanadkii 2008-dii ayuu mar kale isu soo taagay in uu hanto jagada madaxweynaha balse wuxuu Aqalka Cad ku galay qaab ka duwan oo ah in uu ku xigeen u noqdey Barrack Obama oo ku guuleystay hogaaminta United States of America.

Sooyaalkiisa siyaasadeed waxaa hareeyay mahadhooyin shaqsiyadeed ka gedaal markii xaaskiisa, Neilia Hunter, iyo gabdhiisa ay ku geeriyoodeen shil baabuur kadib doorashadiisa Aqalka Sarre ee November, sanadkii 1972-dii.

Wiilkiisa Beau ayaa sidoo kale wuxuu geeriyooday sanadkii 2015-kii xilli uu qorsheynayey in uu mar kale u ordo kursiga Aqalka Senate-ka.

Mucaaradkiisa ayaa ku dhaliila in uu qaab foolxun ula tacaalay eedeymaha kaga yimid Anita Hill, oo ah haweenay qareen ah, taasoo October, 1999 sheegtay in Biden uu xadgudub jireed kula kacay.

Balse, Biden wuxuu si adag u beeniyay wararka ku geedaaman in uu haweenaydaas kula kacay dhaqan-xumo.

Ku dhowaad 50-sano oo uu shaqo qaran hayey, 77-sano jirkaan ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da'da weynaa taariikhda Mareykanka. Balse shaqooyinkaas oo dhan waxaa ka cuslaan doonto jagada waqti xaadirkan loo doortey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM

Diyaarad Ethiopian Airlines leedahay oo loo diiday inay ku degto Israa’iil sababo la xiriira dhalashada duuliyaha

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan habraacyada amniga duulista, gaar ahaan kaddib isku daygii afduubka diyaaradda Flydubai.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 07:06AM