Taiwan oo u jawaabtay dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha

Image

TAIPEI, Taiwan – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa waxay kasoo jawaabtay diidmadda dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha ee xiriirka ay ka yeelatay maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Joanne Ou, afhayeenka wasaarada oo war-fidiyeenka la hadashay, ayaa shaaca ka qaadey in aysan u dhutin doonin hadalada kasoo yeeray xukuumadaha Muqdisho iyo Bejing ayna sii wadayaan cilaaqaadkooda.

"Taiwan uma baahna fekradaha Beijing ee la xiriira iskaashiga ay la yeelaneyso wadamada kale," ayay hadalkeeda raacisay.

Waxay intaas ku dartay: "[Qaranka] Taiwan ma ahan qayb kamid ah dhulweynaha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, horeyna uma aysan soo xukumin, xitaa ha noqotee maalin qura".

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmajo, iyo safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho, oo ku kulmay madaxtooyadda ayaa cambaareeyay xiriirka labada dhinac oo ay ku sifeeyeen "xadgudub".

Wasaarada Arrimaha Dibada Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay iskaashiga Taiwan iyo Somaliland ayaa xusuusisay maamulka Hargeysa in uu hoostago dowlada Soomaaliya uuna ixtiraamo qaranimada.

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Muqdisho, Qin Jian, ayaa laba jeer booqdey Somaliland kaliya sanadkan 2020 "si uu ugu qanciyo in aysan cilaaqaad la yeelan Taiwan" balse waxaa muuqaneysa in uu kusoo fashilmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM