Taliyaha ciidamadda Taiwan oo ku dhintay shil diyaaradeed

Image

TAIPEI, Taiwan – Wasaaradda Gaashaandhiga Taiwan ayaa xaqiijisay in uu dhintay Jeneraal sare oo ka tirsan ciidamadda cirka Jaziiraddaas.

Shen Yi-ming ayaa la waayey markii diyaarad nooca qumaatiga ah oo uu la socday ay si degdeg ah ugu degtay waqoyga Taiwan.

Taliyaha guud ee ciidamadda Taiwan ayaa kamid ahaa 13 qof oo saarnaa diyaaradda. Booliska wuxuu sheegay in lasoo badbaaidyey 10.

62-sano jirkaan iyo saddexda kale ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen dhacdadaas oo madaxda ka tacsiyeysay.

Gabagabadii, wasaaradda ayaa shaacisay baaritaan ku saabsan qaabka ay uu u dhacay shilkaan, waxayna rajo ka muujisay in la helo xaqiiqadda.

Shilka diyaaradeed ee uu ku dhintay Shen ayaa kamid ah kuwa kale oo Khamiista maanta ah ka dhacay qaybo kamid ah Jaziiradaas.

Taiwan ayaa ah dhul lagu muransan yahay. Shiinaha wuxuu sheegayaa in ay isaga ka tirsan tahay, wallow mas'uuliyiintiisu diideen.

Mareykanka, wallow uusan la lahayn xiriir diblumaasiyadeed, haddana waxa uu taageersan yahay in ay ka madax banaanaadaan Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM