Taliyaha ciidamadda Taiwan oo ku dhintay shil diyaaradeed

Image

TAIPEI, Taiwan – Wasaaradda Gaashaandhiga Taiwan ayaa xaqiijisay in uu dhintay Jeneraal sare oo ka tirsan ciidamadda cirka Jaziiraddaas.

Shen Yi-ming ayaa la waayey markii diyaarad nooca qumaatiga ah oo uu la socday ay si degdeg ah ugu degtay waqoyga Taiwan.

Taliyaha guud ee ciidamadda Taiwan ayaa kamid ahaa 13 qof oo saarnaa diyaaradda. Booliska wuxuu sheegay in lasoo badbaaidyey 10.

62-sano jirkaan iyo saddexda kale ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen dhacdadaas oo madaxda ka tacsiyeysay.

Gabagabadii, wasaaradda ayaa shaacisay baaritaan ku saabsan qaabka ay uu u dhacay shilkaan, waxayna rajo ka muujisay in la helo xaqiiqadda.

Shilka diyaaradeed ee uu ku dhintay Shen ayaa kamid ah kuwa kale oo Khamiista maanta ah ka dhacay qaybo kamid ah Jaziiradaas.

Taiwan ayaa ah dhul lagu muransan yahay. Shiinaha wuxuu sheegayaa in ay isaga ka tirsan tahay, wallow mas'uuliyiintiisu diideen.

Mareykanka, wallow uusan la lahayn xiriir diblumaasiyadeed, haddana waxa uu taageersan yahay in ay ka madax banaanaadaan Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM