Taliyihii ilaalada gaarka ee ra'iisul wasaare oo isu casilay dilka wariye

Image

VALLETTA, Malta – Ra'iisul Wasaaraha dalka Malta, Joseph Muscat, ayaa Talaadadii shalay shaaciyey in uu is-casilay taliyaha ilaaladiisa gaarka ah Keith Schembri.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysaa xili booliska uu laba jibaaray baaritaanka dilka wariye Daphne Caruana Galizia.

Mr Schembri ayaa nan ka jawaabin codsi loo diray oo ku saabsan in uu ka falceliyo arrintaan balse wararku waxay sheegayaan in uu caawinayey bileyska.

Ganacsade Yorgen Fenech ayaa lagu soo xiray howlgalada dilka Caruana, balse waxaa lagu sii daayey cafis madaxweyne.

Mr Muscat ayaa baarlamaanka u sheegay in qof kale oo la tuhunsan yahay oo lagu magacaabo Melvin Theuma gacanta lagu hayo.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warameysa in laamaha ammaanka hayaan cod la duubay oo uu kasoo muuqday Melvin Theuma.

Caruana Galizia oo ahayd wariye wax baara, ayaa bishii October sanadkii 2017-kii lagu dilay qarax gaari markii ay qortay warbixino ku saabsan musuqmaasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM