Taliyihii militeriga Kenya oo is casiley iyo mid cusub oo la magacaabay

Image

April 19, 2015 (GO)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Jen. Samson Mwathethe usoo magacaabay taliyaha cusub ee militeriga Kenya, kaddib markii uu is casiley Jen. Julius Karangi oo isagu muddo dheer  xilkaas soo hayey.

Qoraal kasoo baxay madaxdooyada Nairobi ayaa lagu yiri sidan "Madaxweynaha Kenya wuxuu taliyaha cusub ee militeriga usoo magacaabay Jen. Mwaththe, wuxuuna xilka la wareegi doonaa  toddobaadka soo socd."

Taliyihii hore ee ciidamada Kenya Jen. Karangi ayaa cadaadis badan kala kulmey jawaabtii ay ciidamada dalkaasi ka bixiyeen weerarkii Westgate Mall oo Al-shabaab ay weerartay sannadkii 2013-kii, iyadoo ciidamada lagu eedeeyey in ay geysteen boob hantiyeed intii howlgalku socday.

Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya ayaa bishii December ee sannadkii hore magacaabay taliyaha cusub ee booliiska iyo wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, kuwaasoo iygaana lagu eedeeyay inay ku fashilmeen sugidda amniga.

Al-shabaab ayaa weerarro is-daba-joog ah ka geysanaysay gudaha Kenya tan markii ciidamada Kenya gudaha usoo galeen dalka Soomaaliya.

Afar todobaad ayaa laga joogaa markii Al-shabaab weerartey dhismaha Jaamacadda Gaarisa. Weerarkaas waxaa ku dhintey 148 qof oo ardey u badnaa waxaana ku dhaawacmey ku dhowaad labo boqol oo qof oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM