Tatuu gacanta Xoghayaha Difaaca Mareykanka Ku Qoran “Kafir” oo Dhaliyay Dood Adag

Image

MAREYKANKA – Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa wajahay cambaareyn iyo dood badan kadib markii lagu arkay gacantiisa midig tatuu ku qoran erayga Carabiga ah “كافر” (kafir), taas oo dad badan u arkeen inay tahay farriin lid ku ah Muslimiinta.

Tatuugan ayaa markii ugu horreysay la arkay Arbacadii intii uu booqanayay saldhigga ciidamada ee Joint Base Pearl Harbor-Hickam ee gobolka Hawaii. Sawirro lagu daabacay bogga rasmiga ah ee X (horey Twitter) ee Xoghayaha Difaaca ayaa muujiyay isagoo la hadlayay askar, balse waxa si weyn loo hadal qaaday ayaa noqday qoraalka ku sawiran gacantiisa.

Maxaa Ka Danbeeya Tatuuga?

Hegseth, oo si cad u sheegta inuu yahay Masiixi, ayaa horey uga hadlay in tatuuyada uu leeyahay ay ka tarjumayaan diintiisa, waddaniyadiisa iyo sida uu u arko adduunka. Waxa uu leeyahay calaamado kale oo tatuu ah sida iskutallaab, seef, iyo “Deus Vult” – eray salka ku haya dagaalkii Salibiyiinta.

Tatuugan “kafir” ayaa ah mid muran dhaliyay sababtoo ah eraygaas Carabiga ah waxaa inta badan loo adeegsadaa in lagu tilmaamo qof aan Muslim ahayn, mana ahan eray si caadi ah loo adeegsado iyadoo la tixgelinayo xasaasiyadda diimeed ee dadka Muslimiinta ah.

Dadweyne Reer Baraha Bulshada oo Ka Falceliyay

Dad badan oo aragtay sawirrada ayaa baraha bulshada ka muujiyay dareenkooda, iyagoo qaar sheegaya in tatuugaasi yahay mid si ula kac ah u dhaawacaya Muslimiinta. Qaar kale ayaa dhaliilay in sarkaal heerkaas ah uu xirto calaamad u muuqata mid xagjirnimo ku jirto, gaar ahaan isagoo matalaya dowladda Mareykanka.

Pentagon oo Laga Sugayo Jawaab

Ilaa hadda wax war ah lagama hayo Pentagon-ka oo laga sugayo inuu ka hadlo murankan cusub. Warbaahinta Newsweek ayaa sheegtay inay weydiisay faallo arrintan ku saabsan, balse wax jawaab ah lagama helin.

Dooddan ayaa si guud u muujinaysa sida arrimo yaryar u noqon karaan kuwo waaweyn marka ay khuseeyaan diimaha iyo xilalka sare ee dowladeed. Inkasta oo Hegseth uu sheegay in tatuuyadiisu yihiin kuwo uu ku muujinayo rumaysadka uu aaminsan yahay, hadana waxa muuqata in fariinta laga fahmay aysan dhammaan dadka u muuqan si mid ah.

Muslimiinta ayaa u arkay arintan mid xadgudub ku ah Islaamka, gaar ahaan iyadoo ciidamada Mareykanka la doonayo inay noqdaan kuwa kala duwan diimaha. Waxaa la qiyaasayaa in in ka badan 5,000 ilaa 6,000 oo ka mid ah ciidamada Mareykanka ay haystaan diinta Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM