Telefoonka gaarka ra'iisul wasaarihii hore UK oo "la jabsadey"

Image
Dowladda Ingiriiska ayaa cadaadis xooggan wajahaysa kadib markii ay banaanka yimaadeen warbixinadan.

LONDON, United Kingdom - Dowladda UK ayaa wajaheysa baaqyo baaritaan ka dib markii warbixin aan la xaqiijin oo warbaahintu ay sheegtay oo ah in la jabsaday taleefoonka ra'iisul wasaarihii hore ee Britain Liz Truss.

Sidda ay muujinayaan warbixinaddan oo aan wali si madax-banaan loo sugin, telefoonka Truss oo dhowaan shaqadda ka tagtey ayaa loo dhacay xilli ay ahayd xoghayaha arrimaha dibadda.

Wargeyska Mail on Sunday ee ka soo baxa UK ayaa sheegay in farriimaha gaarka ah ee u dhexeeya Truss iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee caalamiga ah, oo ay ku jiraan fariimo ku saabsan dagaalka Ukraine, iyo sidoo kale farriimaha wasiirkii hore ee maaliyadda Kwasi Kwarteng ay ku dhaceen "gacmo shisheeye."

Joornaalka ayaa wuxuu ku andacoodey in jabsiga la ogaaday intii lagu jiray ololihii hoggaanka xisbiga Conservative Party ee xagaagii, kaas oo ugu dambeyntii arkay Truss oo loo magacaabay ra'iisul wasaare.

Majaladda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in "wakiilada looga shakisan yahay inay u shaqeeyaan Kremlin-ka" ay ka dambeeyeen jabsiga, iyadoo soo xiganeysa ilo aan la magacaabin.

Warbaahinta caalamka ayaa sheegtay in aysan si madaxbanaan uma xaqiijin karin sheegashada Mail on Sunday, haddii la jabsaday ama cidda laga yaabo inay ka dambeysay xiriiro ay la sameeyeen Moscow aysan soo jawaabin.

Jabsashadda telefoonadda gaarka ah ee madaxda caalamka ayaa ah kiis halis ah taasoo dhabaha u xaari karta in la helo macluumaadka ay la wadaagtey dalalka caalamka iyo waliba madaxda maxaliga ah ee waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM