Tirada caruurta ku dhimatay dagaalka Ukraine oo lasoo bandhigay

Image
Colaadda Ruushka iyo Ukraine ayaa la saadaalin karin waqtiga kama dambeysta ah ee uu soo dhamaan doono.

MOSCOW, Russia - In ka badan 500 oo caruur ah ayaa lagu waramay in lagu dilay gudaha dalka Ukraine tan iyo markii Ruushka uu bilaabay duulaanka ka dhanka ah waddankan dariska la ah.

Agaasimaha fulinta ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF, Catherine Russell, ayaa sheegtey in qaar kale oo intaas ka badan ay ku dhaawacmeen dagaalka.

“Waa dhacdo kale oo naxdin leh oo ku dhacday carruurta iyo qoysaska Ukraine. Tan iyo markii uu dagaalka sii xoogeystay bishii Febraayo 2022, ugu yaraan 501 carruur ah ayaa la dilay,” ayay ku tiri Twitter-ka.

Catherine Russell oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay hoosta k xariiqdey in tirada dhabta ah "ay u badan tahay in ay aad uga badan tahay" tirooyinka ay xaqiijisay UNICEF.

Russell ayaa tibaaxdey in ku dhawaad ​​1,000 carruur ah ay dhaawacmeen, kuwaas oo ka tagay nabarro iyo xanuuno maskaxeed -- kuwa muuqda iyo kuwa aan la arki karinba -- kuwaas oo nolosha sii jiri kara.

"Tiro kasta waxaa ka danbeysa qoys kala go'ay oo weligiis is beddelay. Waa qalbi-jab," ayay tidhi. "Ugu dambeyntii, carruurta iyo qoysasku waxay u baahan yihiin nabad. Degdeg uma iman karto".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM