Tirada dhimashada weerarkii Masjidka Masar oo korartay

Image

MASAR - Saraakiisha dalka Masar ayaa sheegay in tirada dhimasha weerarkii shalay ka dhacay Masjidka ku yaalla waqooyiga gobolka Siinaay, taasi oo hadda gaartay 305, halkii horey ay ka ahayd 235 qof.

Wasaarada arrimaha gudaha dalkaasi ayaa sheegtay in dadka lagu dilay weerar ay ku jiraan 27 caruur ah, iyadoo in ka badan 110 kale ay dhaawacmeen kuwaasi oo la dhigay Isbitaallada Masar.

Waakaaladda wararka Masar ee MENA, ayaa sheegtay in dadka weerarka fuliyay oo tiro ahaan gaarayay inta u dhaxaysa 25 illaa 30 ay wateen calanka Daacish oo gudaha Masjidka laga helay.

Ragga weerarkan Masjidka gaystay ayaa xirnaa dareeska ciidamada Militariga, waxaana ay soo duubteen wajiyada, waxaana ay toogasho iyo qarax ku dileen inta badan dadkii ku jiray salaadda Jimcaha.

Jameecadda Masjidka la weeraray ee Al-Radwa oo Suufi, ayaa Daacish u aragto inay yihiin Koox kasoo horjeeda fekerkooda Jihaadiga ah ee dalkaasi kawadaan.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al Siisi ayaa wacad ku maray in loo aar-gudi doono dadka lagu laayay Masjidka, islamarkaana dowladdiisa adeegsan doonto awood military oo lagu baabi'inayo Kooxaha Argagaxisaha dalkaasi ee ku sugan gobolka Siinaay.

Cabdifitaax Al Siisi, Madaxweynaha dalka Masar

Diyaaradaha dagaalka ciidamada cirka Masar ayaa xalay dhowr weerar oo duqeymo ah ka fuliyay dhulka ay gacanta ku hayaan dagaalayanada Daacish ee ku yaalla gobolka Siinaay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka Masjidka, oo ah midkii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhacay dalka Masar Taariikhdan casriga ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM