Tirada dhimashada weerarkii Masjidka Masar oo korartay

Image

MASAR - Saraakiisha dalka Masar ayaa sheegay in tirada dhimasha weerarkii shalay ka dhacay Masjidka ku yaalla waqooyiga gobolka Siinaay, taasi oo hadda gaartay 305, halkii horey ay ka ahayd 235 qof.

Wasaarada arrimaha gudaha dalkaasi ayaa sheegtay in dadka lagu dilay weerar ay ku jiraan 27 caruur ah, iyadoo in ka badan 110 kale ay dhaawacmeen kuwaasi oo la dhigay Isbitaallada Masar.

Waakaaladda wararka Masar ee MENA, ayaa sheegtay in dadka weerarka fuliyay oo tiro ahaan gaarayay inta u dhaxaysa 25 illaa 30 ay wateen calanka Daacish oo gudaha Masjidka laga helay.

Ragga weerarkan Masjidka gaystay ayaa xirnaa dareeska ciidamada Militariga, waxaana ay soo duubteen wajiyada, waxaana ay toogasho iyo qarax ku dileen inta badan dadkii ku jiray salaadda Jimcaha.

Jameecadda Masjidka la weeraray ee Al-Radwa oo Suufi, ayaa Daacish u aragto inay yihiin Koox kasoo horjeeda fekerkooda Jihaadiga ah ee dalkaasi kawadaan.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al Siisi ayaa wacad ku maray in loo aar-gudi doono dadka lagu laayay Masjidka, islamarkaana dowladdiisa adeegsan doonto awood military oo lagu baabi'inayo Kooxaha Argagaxisaha dalkaasi ee ku sugan gobolka Siinaay.

Cabdifitaax Al Siisi, Madaxweynaha dalka Masar

Diyaaradaha dagaalka ciidamada cirka Masar ayaa xalay dhowr weerar oo duqeymo ah ka fuliyay dhulka ay gacanta ku hayaan dagaalayanada Daacish ee ku yaalla gobolka Siinaay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka Masjidka, oo ah midkii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhacay dalka Masar Taariikhdan casriga ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM