Tirada saxafiyiinta la dilay 20-kii sano u dambeysay oo la shaaciyey

Image
Yurub dhexdeeda, Ruushka ayaa weli ah dalka ugu dilka badan suxufiyiinta.

ANKARA, Turkey - Ku dhawaad ​​1,700 oo saxafiyiin ah ayaa lagu toogtay caalamka 20-kii sano ee lasoo dhaafay, sidda uu sheegay ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ee RSF.

"Tiro la yaab leh oo 1,668 wariye ah ayaa lagu dilay adduunka oo dhan iyadoo lala xiriirinayo shaqadooda labaatankii sano ee la soo dhaafay (2003-2022)," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay RSF.

Tirakoobka oo lasoo bandhigay Jimcihii shalay ahayd ayaa waxa uu ka dhigan yahay in celcelis ahaan in ka badan 80 saxafiyiin ah oo la dilo sanad walba.

"Tirada dhimashada sanadlaha ah ayaa korortey 2012 iyo 2013 iyadoo la dilay 144 iyo 142 wariye, siday u kala horreeyaan," ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo intaas ku dartay in kororka uu sababay dagaalka Suuriya.

80% dhimashada oo la diiwaan galiyay intii u dhaxaysay 2003 iyo 2022 waxa ay ka dhaceen 15 wadan, iyadoo kuwa ugu khatarta badan ay yihiin Ciraaq iyo Suuriya, halkaas oo wadar ahaan 578 wariye lagu dilay, sida ay xustey RSF.

Waxaa ku xiga Afghanistan, Yemen, Falastiin, iyo Soomaaliya, ayaa lagu yiri bayaanka. "Yurub dhexdeeda, Ruushka ayaa weli ah dalka ugu dilka badan suxufiyiinta," ayay tiri RSF.

Ururka ayaa tilmaamay in “saxafiyiin badan ayaa lagu dilay ‘aagagga nabadda’ marka loo eego ‘aagagga dagaalka’ labaatankii sano ee la soo dhaafay".

"Inta badan saxafiyiinta la khaarijiyey waxay baarayay kiisas ku saabsan dambiyada abaabulan iyo musuqmaasuqa," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta kasoo baxdey ururka RSF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM