Tiradda dhimashada banaanbaxyadda dalka Ciraaq oo korodhay

Image

BAGHDAD, Iraq – Ugu yaraan shan ayaa ku geeriyootay, tirro kalena way ku dhaawacmeen kadib bananabaxyo waaweyn oo todobaadyo gilgilaya Ciraaq.

Geerida mudaahadarayaasha oo laga soo wariyey magaalooyin kala duwan ayaa waxaa la tilmaamayaa in ay ka dambeeyeen booliska.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyey in dhaawaca uu hataan marayo 50, waxayna caddeeyeen in ay kasii badan karto intaas.

Dowladda oo qirtay in ay jirto dhimasho ay laamaha ammaanka sababeen ayaa waxay tilmaamtay in lala xisaabtami doono cidda ka dambeysay.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa kasoo xigtay mas'uuliyiinta in ay jiraan askar loo xir-xiray dhacdooyinkii u dambeeyay.

Ma jiraan illo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka ku saabsan dhimashadda banaanbaxayaasha iyo qabashada askarta.

Dibad-baxyadda Ciraaq ayaa la rumeysan yahay in ay salka ku hayaan musuqmaasuq xargaha goostay iyo xukuumadda oo aan adeegyadda daadejin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kuma ayuu ahaa Charles James Kirk oo lagu toogtey dalka Mareykanka

Kirk waxaa lagu tilmaami jiray nin si xooggan ugu ololeeya siyaasadaha adag ee xisbiga…

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 06:07AM

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM