Tobanaan ku dhintey bas waday dad ka yimid aroos oo rogmadey

Image
Ra'iisul Wasaare Narendra Modi ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in "uu la tiiraayoonayo qoysaska laga geeriyoodey". 

NEW DELHI, Hindiya - Ugu yaraan 25 qof ayaa dhimatay ka dib markii uu bas ku dhacay god ku yaal gobolka Uttarakhand ee waqooyiga Hindiya, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan 40 qof ay saarnaayeen markii baska uu ka baxay wadada uuna ku dhacay tog ku yaala degmada Pauri Garhwal habeenimadii Talaadada.

Ilaa hadda, 21 qof oo rakaab ah ayaa la soo badbaadiyay ka dib hawlgal habeenimo ah oo ay hogaaminayeen ciidanka gobolka ee gurmadka masiibooyinka.

Ra'iisul Wasaare Narendra Modi ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in "uu la tiiraayoonayo qoysaska laga dhintay". Baska ayaa siday dad aroos ah oo ka yimid Laldhang kuna socday tuulada Bironkhal ee Uttarakhand markii uu shilku dhacay.

Lama ogga sababta ka dambeysay shilkan diyaaradeed, balse maamulka gobolka ayaa sheegay inay baarayaan shilkan. Sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Swatantra, Kumar Singh, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee ANI in hawlgal samatabbixin ah uu weli socdo.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay haRaaga baska oo yaalay meel u dhow buur dheer iyadoo shaqaalaha samatabbixinta ay gacan ka geysteen soo saarista dadkii badbaaday.

Madaxa Uttarkhand Pushkar Singh Dhami ayaa tibaaxay in dhammaan wax kasta caawin suurtagal ah la siinayo kooxaha samatabbixinta si ay u caawiyaan dadaalkooda.

Badbaadada waddooyinku waa mid aad u xun gudaha Hindiya, iyadoo in ka badan 100,000 ay sannad kasta ku dhintaan shilal ka dhasha darawalnimo xumo iyo waddooyin burbursan.

Basaska waa gaadiidka ugu caansan Hindiya, gaar ahaan magaalooyinka yaryar. Laakin hawlwadeenadu inta badan way jebiyaan xeerarka badbaadada waxay kordhiyaan xawaaraha gaariga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM