Tobanaan muhaajiriin ah oo lagu la'yahay xeebaha Liibiya

Image
IMO ayaa tuhunsan in 70-kan magan-galyo-doonka ah ay ku nafwaayeen badda bartamaha Mediterranean-ka

ANKARA, Turkey - Ugu yaraan 70 muhaajiriin ah ayaa lagu la’yahay badda waxaana loo malaynayaa in ay ku dhinteen xeebaha Liibiya labadii toddobaad ee la soo dhaafay, sidda ay shaaca ka dhigtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

12-kii Maarso ayaa la sheegay in doon ay saarnaayeen 25 muhaajiriin ah ay ku dagtay meel u dhow xeebaha Liibiya ee Tobruk. Ciidamada ayaa soo badbaadiyay 6 tahriibayaal ah waxaana ay soo saareen meydadka 7 ruux halka 12 kalena la la’yahay.

Tani oo ah dhacdadii ugu dambeysay ayaa ka dhigeysa tirada guud ee muhaajiriinta la sheegay in ay ku dhinteen ama lagu la'yahay Bartamaha Mediterranean-ka ilaa 215 sanadkan, sida uu qabo Mashruuca Muhaajiriinta la waayay ee IOM.

"IOM waxa ay sii waddaa in ay ku baaqdo tallaabo la taaban karo si loo dhimo khasaaraha nolosha ee bartamaha Mediterranean-ka iyada oo loo marayo goobid iyo samatabbixin firfircoon oo heegan ah iyo hab badbaado leh oo la raacayo sharciga caalamiga ah," ayuu mashruuci ku yiri war-saxaafadeed uu soo saarey.

"Waan ka naxay dhimashada joogtada ah ee ka jirta Bartamaha Mediterranean-ka iyo ficil la'aanta wax ka qabashada masiibadan socota. In ka badan kala bar dhimashada sanadkan ayaa laga diiwaan geliyay meel u dhow xeebaha Liibiya," ayuu yiri Federico Soda, Madaxa IOM ee Liibiya.

Soda ayaa ku daray: "Warbixin kasta oo soogalootiga ah ee maqan waxay ka dhigan tahay qoys murugaysan oo raadinaya jawaabo ku saabsan kuwa ay jecel yihiin. Qoysasku waxay mudan yihiin inay ogaadaan masiirka carruurtooda, walaalahood, waalidkood, lammaanahooda ama saaxiibadooda. ”

27-kii Febraayo, doon ka sameysan fiberglass kana baxday dekedda Sabratah ayaa degtay afar saacadood ka dib sababo ku aadan mowjado aad u sarreeya awgeed. Ma jirto cid ka badbaadey. 15 meyd ayaa la helay oo uu ku jiro cunugyar. Ilaa 35 muhaajiriin ah ayaa wali la la'yahay.

Muhaajiriinta ayaa inta badan dalalkaooda waxay uga cararaan sababo ku aadan sinnaan la'aan dhanka sharciga ah iyo dowlad xumo. Dowladaha horumaray waxay naftooda ugu biimeeyaan wadooyinka halista ah si ay mustaqbal ifaya u helaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM