Toogasho ka dhacdey xaafad uu shir ka socday oo lagu dilay labo qof

Image
Booliska ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan ay ku ogaanayaan macluumaad dheeraad ah.

WASHINGTON, United States - Toogasho ka dhacday xaafad uu shir ka socdey kuna taalla Gobolka Arizona dalka Mareykanka ayaa sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca shan kale, sidda ay booliisku sheegeen.

"Dilka ayaa dhacday wax yar ka hor 11-kii fiidnimo xilliga maxaliga ah ee Sabtidii (0600 GMT)  Yuma ee koonfur-galbeed," ayay tiri afhayeenka booliiska magaalada, Lori Franklin.

Franklin oo macluumaad aad u kooban la wadaagtey dadweynaha ayaa waxay intaas ku dartay in baaritaan uu socdo balse aan la soo qaban dad la tuhunsan yahay.

Sababta toogashada ayaan si dhaqso ah loo ogeyn, laakiin Franklin waxay hoosta ka xariiqdey inaysan jirin khatar waqti xaadirkan taagan oo ku soo wajahan bulshada.

"Saraakiishu waxay isugu yimaadeen kulanka ka dib markii ay heleen warbixino ku saabsan weerar daran," ayuu xustey Franklin. "Markii ay yimaadeen waxay heleen 7 qof oo dhaawac ah".

Laba nin - da'doodu tahay 19 iyo 20 - ayaa lagu dhawaaqay inay ku dhinteen isbitaallada Yuma iyo wiil 16 jir ah ayaa loo duuliyay isbitaalka Phoenix isagoo dhaawac halis ah, sidda laga soo xigtey Franklin.

Afar wiil oo da'doodu u dhaxayso 15 illaa 19 ayaa lagu daweynayay xarunta caafimaadka ee Yuma ka gadaal markii la hubiyey in dhaawacooda uusan khatar ahayn. Magacyada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay lama shaacin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM