Toogasho wadareedkii 198-aad ee sanadkan oo ka dhacdey Mareykanka

Image
Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay sagaal qof oo ka dukaameysanayay suuq ganacsi.

WASHINGTON, USA - Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay sagaal qof oo ka dukaameysanayay suuq ganacsi oo ku yaalla waqooyiga magaalada Dallas ee gobolka Texas, sidda ay sheegeen hay’adaha gurmadka degdegga ah.

Boqolaal qof ayaa laga daadgureeyay suuqa weyn ee magaalada Allen. Sida goob joogayaal ay sheegeen, nin ayaa si aan kala sooc lahayn u rasaaseeyay dad wadada marayay.

Booliska oo warbixin kooban ka bixiyey dhacdadan argagagax leh ayaa caddeeyay in ay toogteen ninkii hubaysnaa oo ay aaminsan yihiin in uu kaligiis falka geystay.

Qaar ka mid ah dhibanayaasha ayaa loo maleynayaa inay caruur ahaayeen. Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu daweynayaa isbitaalka, kuwaasoo saddex ka mid ah ay aad u xanuunsan yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa toogashada ku tilmaamay "musiibo aan la soo koobi karin" wuxuuna sheegay in gobolku uu diyaar u yahay in uu wax kasta oo gargaar ah u fidiyo maamulka deegaanka.

Mid ka mid ah goobjoogayaasha, Fontayne Payton, ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in uu maqlay dhawaqa rasaasta inkastoo uu  wax ka iibsanayay H&M.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa jiray ugu yaraan 198 toogasho wadareed - oo afar ama in ka badan lagu dilay ama lagu dhaawacay - gudaha Maraykanka sanadkan 2023-ka, sida uu qabo Kaydka Rabshadaha Qori.

Todobaadkii hore, booliska Texas ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu toogtey shan qof oo deriskiisa ah, oo uu ku jiro wiil sagaal jir ah. Francisco Oropesa ayaa la helay isagoo ku dhex dhuumanaya armaajo kadib afar maalmood oo baadi goob ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM