Haweenay ka shaqeysay Soomaaliya oo xil loo dhiibay

Image

TORONTO, Canada – Ra'iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa wareegto uu soo saarey 21-kii December wuxuu Faye E. McWatt ugu magacaabay kaaliyaha guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee gobolka Ontario.

McWatt ayaa waxay bedeleysaa Frank N. Marrocco kaasoo shaqadda ka fadhiistay 10-kii November ee sanadkan kadib 15 sano oo uu garsoore ahaa.

Sidda laga soo xigtay digreetadda, Trudeau ayaa rajeynaya in McWatt ay kasoo dhadhaali doonto waajibaadka loo idmaday, halka uu Marrocco u rajeeyay bedel wanaagsan ugana mahadceliyey shaqada uu dalka u qabtey.

McWatt ayaa kasoo jeeda dalka Guyana ee dhaca koonfurta Ameerika balse waxay Canada u soo haajirtay sanadka markii uu ahaa 1962.

Bachelor-keeda sharciga (LL.B.) ayay ka qaadatay Jaamacadda Ottawa sanadkii 1984 waxaana laga shaqaaleysiiyey baarka Ontario sanadkii 1986. Waaya-aragnimo yar ayay ku qaadatay maxkamadaha.

Sanadkii 1995, waxaa loo magacaabay inay wakiil ka noqoto Waaxda Caddaaladda dowladda federaalka ee Canadda iyadda oo waqtigaas bilowday in ay baarto dacwadaha dambiyada mukhaadaraadka ee federaalka.

McWatt waxay lataliye u noqotay guddiyo kala duwan oo baaris ah, oo uu kamid yahay Gudiga baaritaanada ee ku saabsan daabulista ciidamada Canada ee Soomaaliya. Waxay xubin ka ahayd Ururka Qareennada Dembiyada iyo Ururka Qareennada Madow ee waddanka Canada.

Sanadkii 2000, Kaaliyaha Madaxa Maxkamadda Sarre, McWatt, waxaa loo magacaabay Maxkamadda Sare ee gobolka Ontario, halkaas oo ay ku go'aamisay kiisas la xiriira dambiyo, qoys iyo sharciga madaniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Culus oo ka dhacay Goma, Koonfurta  Kongo, 700 qof oo la dilay

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto.

  • Caalamka

    01-02-2025

  • 07:28AM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM