Trump: 43 Maalin baa ku qabtay waxay Xukuumadihii hore 4 ama 8 sano ku qaban jireen
Washington — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, "Ameerika waa ay soo laabatay."
"Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay Aqalka Capitol-ka waxaanan ku dhawaaqay xilliga dahabiga ah ee Mareykanka. Laga soo bilaabo wakhtigaas, waxa ka dambeeyay tallaabooyin degdeg ah oo aan la joojin si loo xaqiijiyo xilliga ugu weyn uguna guulaha badan taariikhda dalka," ayuu yiri Trump.
Trump wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay "wax ka qabatay arrimo badan 43 maalmood gudahood ah, taasoo ka badan inta badan xukuumadaha ay sameeyeen afar sano ama sideed sano, waana billow kaliya."
Illaa hadda, wuxuu saxiixay 76 amar fulineed, kuwaas oo qaarkood hadda wajahaya loolan maxkamadeed. Khudbada Trump waxay socotay hal saac iyo 40 daqiiqo, waana tii ugu dheerayd Madaxweyne Mareykanka ah jeediya mudo 61 sano ah.
Dhowr daqiiqo kadib markii Trump uu bilaabay khudbadiisa, waxaa hareeyey qaylo ka timid xubnaha Aqalka Wakiilada, taasoo keentay in afhayeenka Aqalka Wakiilada, Mike Johnson, uu amar ku bixiyo in laga saaro Al Green, oo ah xildhibaan Dimoqraadi ah oo ka soo jeeda Texas. Trump wuxuu khudbadiisa sii waday kadib markii Green laga saaray hoolka.
Trump wuxuu sidoo kale liiska ku daray dhowr ka mid ah amaradiisa fulineed, oo ay ka mid tahay in uu uga dhawaaqay xaalad degdeg ah xadka koonfureed ee dalka, isagoo u diray ciidanka Mareykanka iyo kuwa xuduudda si ay u joojiyaan duulaanka dalka lagu soo qaaday, sida uu yiri.
Isaga oo ka hadlayey daroogada la soo geliyo Mareykanka, wuxuu yiri, "Mareykanka wuxuu dagaal ku qaadi doonaa kooxaha daroogada ee Mexico."
Sidoo kale, Trump wuxuu sheegay in uu hakad ku sameeyay shaqooyinka federaalka tan iyo markii uu ku laabtay Aqalka Cad, iyo sidoo kale inuu hakad geliyey kaalmada Mareykanka uu siiyo dibedda.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ugu baaqay xubnaha xisbiga Dimoqraadiga inay u codeeyaan canshuur dhimista uu qorsheynayo, isaga oo yiri, "Waan hubaa inaad u codeyn doontaan dhimista canshuuraha, sababtoo ah haddii kale, ma rumeysni in dadku marna idiin soo dooran doonaan xafiiska."
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay xubnaha xisbiga Dimoqraadiga, "Aan wada shaqeyno, oo aan dhab ahaantii mar kale ka dhigno America mid weyn."
Trump wuxuu sidoo kale xusay inuu ka baxay Heshiiska Cimilada ee Paris, oo uu ku tilmaamay mid "cadaalad darro ah," Ururka Caafimaadka Adduunka oo uu ugu yeeray "musuqmaasuq," iyo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo uu ku sheegay "kuwa ka soo horjeeda Mareykanka."