Trump: Biden wuxuu Minnesota u rogayaa xerada qaxootiga Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump oo taageereyaashiisa kula hadlayey magaaladda Bemidji ee gobolka Minnesota, ayaa wuxuu weeraray qorshe uu shaaciyey murashax xisbiga Dimuqraadiga.

Trump ayaa tilmaamay in qorshaha Joe Biden ee ah in uu aqbali doono qaxooti badan uu gobolkaas ka dhigayo xerada "qaxootiga Soomaaliya".

Isagoo hadalkiisa sii wata, Trump ayaa ku qeexay Soomaaliya iyo Yemen "mid kamid ah meelaha ugu khatarsan dunida iyo gunta argagixisada".

Dhanka kale, Trump ayaa difaacay talaabooyinka maamulkiisa ku tarxiilayo Soomalaida, isagoo ku sifeeyay "dambiileyaal lagu celinayo dalkooda".

"Waa in ay qayliyaan marka ay tagaan wadamadooda, halkaasoo ay ku sameyn karaan dambiyadda halista badan," ayuu cod dheer ku sheegay Trump.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo cambaareysay dhaqdhaqaaqa uu Trump ku beegsanayo Soomaalida ayaa sheegtay in uu ku raadinayo dhibco siyaasadeed, iyaddoo xustay in musaafurinta dadka ay matasho sharci darro tahay.

Intii uu hadal-jeedinta waday, Trump oo weerar afka ah ku qaadey Ilhaan Cumar ayaa isagoo luuqad adag adeegsanaya wuxuu ku sifeeyay "xagjir".

Biden ayaa balanqaadey in hadii la doorto uu Mareykanka u ogolaan doono in ay soo galaan 95-kun oo qaxooti ah kuwaasoo Trump uu is hortaagay.

Talaabadaan oo la macno ah koror 400 boqolkiiba balse ka yar inta ay ogolaadaan Turkiga iyo Germany ayaa kordhineysa tirada qaxootiga Mareykanka kuwaasoo warbixinsoo baxdey 2019-kii lagu qiyaasay in ay gaarayaan 347,000.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM