Trump iyo Biden oo markii ugu horeysay ku kulmaya Oval Office

Image
Mareykanka waxaa caado ah in madaxweynaha xilka ka dagaya uu xafiiska ku casuumo madaxweynaha badalaya.

WASHINGTON, USA - Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in Madaxweynayaasha Mareykanka ee hadda xilka haya iyo midka imaan doona ay ku kulmaan Aqalka Cad.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku soo dhaweyn doona madaxweynaha la doortay ee Donald Trump booqashada xafiiska Oval Office, oo ah nidaamdhaqameed ka mid ah wareejinta awoodda.

Waa caado uu Trump horey u diiday inuu ka qayb galo afar sano ka hor markii uu ku guul daraystay doorashadii 2020 ee Biden.

Taasi waxay ka dhigan tahay in kulankoodu uu noqon doono markii ugu horreysay, tan iyo 1992-kii oo madaxweyne xilka ka degaya uu la fariisto xafiiska Oval Office-ka oo uu kula tartamayo doorashada.

Trump ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu la kulmo xubnaha Jamhuuriga ee ka socda Congress-ka iyagoo diiradda saaraya maalinta 1-aad ee mudnaanta iyo diyaarinta suurtagalnimada dowlad midaysan, halkaas oo xisbigu uu xukumo Congress-ka iyo Aqalka Cad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dad ku dhintay diyaarad ku burburtay dalka Kazakhstan

Aktau waxay ku taal xeebta ka soo horjeeda ee Badda Caspian ee dalalka Asarbayjan iyo Ruushka.

  • Caalamka

    25-12-2024

  • 01:02PM

Mareykanka oo ka laabtay $10 milyan oo dul-dhigtay madaxa Hogaamiyaha Suuriya

Beesha caalamku waxay sidoo kale ku degdegtay inay taageerto mabaadi'da loogu talagalay in lagu hago dawladda cusub ee Suuriya.

  • Caalamka

    21-12-2024

  • 09:26AM