Trump: Kuuriyada Waqooyi waxay taageertaa Argagixisada

Image

Madaxweyne Trump ayaa shaaciyey in Maraykanku mar labaad ku darayo Kuuriyada Woqooyi liiska dawladaha taageera argagixisada, sagaal sanadood ka dib markii laga saaray liiskaaa.

Kulan golaha wasiirada, ayuu sheegay in dhaqaaqaasi bilaabi doono cunaqabatayno dheeraad ah oo "aad u balaadhan" oo la shaacin doono Salaasada.

Laakiin xoghayaha arimaha dibadda Rex Tillerson ayaa markii dambe qirtay in "saamaynta taabashada lihi laga yaabo in ay xadidnaato"

Trump wuxu canaantay barnaamijka nukliyeerka dalka iyo taageerada waxa uu ugu yeedhay dhacdooyinka caalamiga ah ee argagixisada.

Markuu ka shaaciyey go'aanka Aqalka Cad, madaxweynaha Maraykanka wuxu yidhi "inay mudo dheer ka hor dhacdo ahay ahayd"

Sebtember Maraykanku wuxu soo jeediyey silsilad qunaqabatayno Qaramada Midoobay oo ka dhan ah Kuuriyada Woqooyi oo uu ku jiro xayiraad saliida ah iyo in la fadhiisiyo hantida hogaamiye Kim Jong-un.

Waxay daba socotay tijaabadii lixaad ee nukliyeer ee Woqooyiga iyo ridida gantaalaha lagu celceliyey.

Kuuriyada Woqooyi waxay ku biiraysaa Iran, Sudan iyo Suuriya liiska wadamada loo haysto in ay ku celceliyaan taageerada ay siiyaan falalka argagixisada caalamiga.

Wadanku wuxu hore ugu jiray liiska laakiin waxa ka saaray 2008 maamulkii George W Bush taas oo qayb ka ahayd wadahadalladii ku saabsanaa barnaamijka nukliyeerka Woqooyiga.

Ololaha lagu celinayaa wuxu xoogaystay ka dib markii arday koolaj Maraykan ah Otto Warmbier dhintay in yar ka dib markii laga sii daayey jeelka Kuuriyada Woqooyi.

BBC

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM