Trump oo diiday in uu cunsuri yahay

Image

WASHINGTONG - Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa diiday in uu cunsuri yahay, ka dib markii uu muran ka dhashay hadal aflagaado ah oo la sheegay in uu ku tilmaamay dalalka Afrikaanka ah.

Trump ayaa la sheegay in uu hadal aan munaasab ahayn adeegsaday toddonaadkii hore markaas oo uu socday kulan xafiiska madaxweynaha ka dhacay oo isbadal loogu samaynayay shuruucda dadka soo galootiga ah.

Hadda ayuuse saxafiyiinta u sheegay "Anigu cunsuri ma ihi. Waxaana ahay qofka ugu dambeeya ee aad cunsurinimo ka warraysan doontaan.

Waa markii koobaad ee madaxweynahu uu si toos ah uu uga jawaabo eedaymaha cunsurinimada ee loo soo jeediyay.

Maxaa lagu eedeeyay in uu maxadweynuhu yiri?

Muran ayaa dhashay ka dib markii sharcidejiyeyaal labada xisbi ka socda ay booqdeen madaxweynaha Khamiistii si ay uga wada shaqeeyaan sharci meel dhexe la isugu imaanayo oo ku saabsan dadka soogalootiga ah.

Toddobaadyadii dhawaana maamulka Trump wuxuu meesha ka saarayay shuruuc si ku meel gaar ah u ogolaanayay in ay muhiijiriinta qaar dalka joogaan, sharcigaas oo TPS loo soo gaabiyo ayaana degenaansho ku meelgaar ah siinayay dadyow dalal kala duwan u dhashay oo Maraykanka ku nool.

Mar dambe ayayse warbaahinta Maraykanku ku warrantay in Trump oo shirka waydiiyay "Sababta ay dadkan oo dhan uga imanayaan dalalka la sheegay in uu caayay"

Trump ayaa la sheegay in uu masuuliyiinta u ku yiri badalkii aan degenaansho ku meel gaar ah siin lahayn dadka ay dalalkooda ka dhaceen masiibooyinka, dagaallada ama dhibaatooyinka kale ee baaxadda leh in ay tahay in ay dad ka soo qaataan dalal kale sida Norway.

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM