Trump oo diiday inuu Muslimiinta la casheeyo habeenkii Ciidda

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jibiyay caado muddo 20 sano soo jirtay markii uu diiday inuu martigeliyo casho sharafeed munaasabadda Ciidda awgeed.

Aqalka Cad ayaa martigelin jiray munaasabaddan sanad kaste tan iyo markii uu Clinton ahaa madaxweynaha. Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Rex Tillerson, oo wasaaradiisu lagu waday inay qabanqaabiso xafladan ayaa diiday, isagoon sharraxaad ka bixinin.

Bishii May, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters waxay ku warrantay in Mr Tillerson uu diiday talo uu soo jeediyay xafiiska Waaxda Arrimaha Dibedda u qaabilsan arrimaha diimaha oo ku taliyay in cashada Ciidul Fitriga la qabtaa sandkan sidii caadada ahaydba.

Mr Trump ayaa horay loogu dhaliilay hadalladii ka dhanka ahaa Muslimiinta oo uu jeediyay intii lagu jiray ololihiisa doorashada sida inuu ku baaqay in basaasid lagu sameeya masaajidada Muslimiinta.

Cashada habeenka Ciidda ee Aqalka Cad uu qaban jiray ayaa soo jirtay tan iyo sanaddii 1999, waxaana ka soo qeybgali jiray hogaamiyayaasha Muslimiinta caanka ah ee Mareykanka, diblomaasiyiin iyo mas'uuliyiin kale.

Trump ayaa haseyeeshee, war qoraal ah oo uu soo saaray ugu hambalyeeyay Muslimiinta u dabbaaldageysa Ciidda. Waxa uu sheegay in munaasabadan ay ``ina xasuusineyso ahmiyadda naxariista iyo samafalka`.

BBC

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM