Trump oo Iran ku eedeeyay weerarka safaarada Baqdaad, una hanjabay

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa Iiran ku eedeeyay weerarka lagu qaadey safaaradda Mareykanka ee Baqdaad, caasimada Ciraaq.

Weerarka oo ay qaadeen taageereyaasha falaagadda ay Tehran barataarto ee Xisbullaahi ayaa yimid markii duqeyn looga dilay 25-dagaalame.

Washington ayaa sheegtay in duqeyntaas ay ugu aargudeysay muwaadin Ameerikaan ah. Iran waxayse ku sifeysay "fal argagixiso".

Trump oo ku adkeystay in dibad-baxa uu ahaa mid lasoo abaabulay ayaa ugu hanjabay Iran in ay la kulmi doonto "cawaaqib xumo daran".

Dowladda Ciraaq ayuu ku tartarsiiyey in ay adeegsato "awoodeeda" si ay u badbaadiso Ameerikaanka ku sugan dhismaha safaaradda.

Warbaahinta ayaa ku warantay in safiirka Mareykanka iyo shaqaalaha safaaradda loo daad-gureeyay goobo kale oo ammaankooda lagu sugayo.

Banaanbaxayaasha ayaa burbur u geystay albaabka safaaradda iyo kaamirooyinka qarsoon ee dhismaha.

Muuqaalo laga soo duubay gudaha safaaradda ayaa muujiyey ciidamo hubeysan oo Mareykan ah oo qeybta soo dhaweynta dhufees kaga jira.

Mareykanka iyo Iiraan ayaa waxaa dhextaala xurguf xoogeystay markii uu Trump ka baxay heshiiska dowladaha caalamka la galeen Tehran ee Nuk-liyeerka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM