Trump oo ka xanaaqay buugga Fire and Furry oo Clinton akhrisay

Image

WASHINGTON - Xubnaha kooxda la shaqaysa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyay muuqaal laga duubay dad caan ah oo ay ka mid tahay Hillary Clinton, iyaga oo akhrinaya buugga Fire and Furry ee laga qorey Trump.

Muuqaalka ayaa waxaa sameeyay barnaamijka abaalmarinta fanka muusigga iyo heesaha oo sanadkiiba mar la qabton ee Grammy , ujeedkuna waxa uu yaahay maad iyo majaajilo.

Dadka muuqaalka kasoo muuqday waxaa ka mid ah heesaayaasha kala ah Cher iyo Snoop Dogg.

Wiilka uu dhalay Trump ayaa talaabadan ku tilmaamay canjilaad, isaga oo buugga ku tilmaamay 'been lasoo dhoodhoobay.

Clinton ayaa waxa ay buugga ka akhrinaysaa tuduc dhahaya "waxa uu qabaa cabsi ah in la sumeeyo, taasna waa sababta uu wax uga cuno maqaayadda McDonalds, halkaas oo aysan ka warhaynin in uu tagayo, raashiinkana si fiican loosii diyaariyay".

Ergeyga Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa fariin ay soo dhigtey boggeeda Twitter-ka waxa ay ku sheegtay in bandhigga abaalmarinada Grammy ay waligeed jecleed, balse muuqaalka lasoo bandhigay uu nuxurkii ka qaaday.

"Qaarkeen waxaan jecelnahay heesaha haddii siyaasadda laga saaro," ayay intaas ku dartay.

Bandhigga Grammy ayaa sidoo kale lagu soo qaatay majaajilooyin kala duwan oo Trump lagu durayo.

Heesaayo kala duwan ayaa sidoo kale si furan u dhaleeceeyey hadalada Trump ee loo arkay isir nacaybka, gaar ahaan kuwii uu ka sheegay dadka madoow.

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM