Trump oo kordhiyay Xayiraadda dalalka Islaamka

Image

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballaariyay amarki uu dalkiisa uga mamnuucay in ay soo galaan muwaadiniinta qaar ka mid ah dalalka Islaamka, isaga oo hadda ka dhigay sideed wadan.

Amarka cusub oo dhaqangali doona 18-ka bisha October ayaa saameyn doona dadka u dhashay dalalka Chad, Iran, Libya, Kuuriyada Waqooyi, Somalia, Syria, Venezuela iyo Yemen.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in dalalkani ay diideen inay Mareykanka la wadaagta xogta ku saabsan argagixisada iyo arrimo kale.

Ku dhawaaqista go,aankan ayaa imanaysa xilli uu dhacayo 90-ki maalmood ee uu madaxweyne Trump u qabtay amarki uu muwaadiniinta lix wadan oo Muslim ah uga mamnuucay in ay Mareykanka kusoo galaan.

Dalalkaasi ayaa kala ahaa Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria iyo Yemen.

Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee loo soo gaabiyo (CAIR), ayaa wareegtadan cusub ee Trump ku tilmaamay qeyb ka mid ah adandayaasha foosha xun ee kooxaha ay caddaanka ah ee rumeysan in ay ka sarreeyaan dadka intooda kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM