Trump oo ku Dhawaaqay in Mareykanka uu Ka Baxayo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay go’aankiisa ah in Mareykanka uu si rasmi ah uga baxayo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), tallaabo muhiim ah oo dhaleecayn weyn kala kulantay khubarada caafimaadka ee caalamka, kaddib maalintiisii ugu horreysay ee dib ugu laabashada Aqalka Cad.

Trump, oo horey u dhaleeceeyay Hay’adda Caafimaadka Adduunka, ayaa July 2020 bilaabay geeddi-socodka bixitaanka Mareykanka, xilli uu dunida ka sii faafayay cudurka saf-marka ah ee COVID-19. Hase yeeshee, afar sano ka hor, Madaxweyne Joe Biden oo xilka qabtay ayaa joojiyay bixitaanka Mareykanka ee WHO, isagoo tallaabadaas u qaaday sidii uu Mareykanka dib ugu soo celin lahaa doorkiisa hoggaamineed ee la dagaallanka xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka caalamiga ah.

Wareegtada uu Trump saxiixay Isniintii ayaa u cuskatay sababaha bixitaanka Mareykanka: “maareynta liidata ee cudurka COVID-19 ee kasoo ifbaxay Wuhan, Shiinaha, iyo xaalado kale oo caafimaad oo caalami ah, fashilka ay ku guuldarreysteen inay qaadaan isbeddelo muhiim ah oo degdeg ah, iyo ku lug lahaanshaha saameynta siyaasadeed ee aan habboonayn ee dalalka xubnaha ka ah WHO.”

Intii uu saxiixayay wareegtada, Trump ayaa yiri: “Tani waa tallaabo weyn,” isagoo uga hadlay go’aankiisii 2020 iyo aaminsanaantiisa ah in Mareykanka uu si xad dhaaf ah lacag ugu bixinayay hay’adda marka loo eego dalalka kale.

Sannadkii 2020, Trump ayaa WHO ku eedeeyay inay gacan siisay Shiinaha si ay u qariyaan asalka COVID-19, taasoo fududeysay faafitaanka cudurka. Inkastoo xilligaas ay jireen dhaleeceyn ka dhan ah WHO oo ka timid labada dhinac ee siyaasadda Mareykanka, go’aankii Trump ee bixitaanka WHO xilli uu socdo saf-mar caalami ah ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay siyaasiyiin iyo aqoonyahanno.

Xilligaas, Guddoomiyihii Golaha Wakiillada ee Nancy Pelosi ayaa go’aankaas ku tilmaantay “ficil caqli xumo ah.” Sidoo kale, Senator Lamar Alexander, oo markaas ahaa guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee Senate-ka, ayaa ka soo horjeestay go’aanka Trump, isagoo sheegay inuusan taageersanayn ka bixitaanka Mareykanka ee WHO.

Dr. Ashish Jha, oo ahaa isku-duwaha jawaabta COVID-19 ee Aqalka Cad intii uu Biden xilka hayay, ayaa go’aanka cusub ee Trump ku tilmaamay “khalad istiraatiiji ah.” Jha ayaa sheegay in bixitaanka Mareykanka uu fursad siyaasadeed u abuurayo Shiinaha, oo noqon kara dalka kaliya ee buuxin kara kaalinta uu Mareykanka banneeyay, taasoo kordhin karta saameynta siyaasadeed ee Shiinaha adduunka oo dhan.

Sidoo kale, Lawrence Gostin, oo ah khabiir ku takhasusay sharciga caafimaadka dadweynaha oo ka tirsan Jaamacadda Georgetown, ayaa ku tilmaamay tallaabadan “mid ka mid ah go’aannada ugu miisaanka culus” ee Trump.

“Bixitaanku waa dhaawac weyn oo soo gaadhaya caafimaadka caalamka, balse sidoo kale waa dhaawac kasii daran oo soo gaaraya Mareykanka laftiisa,” ayuu yiri Gostin.

Wareegtada uu saxiixay Trump ayaa faraysa xoghayaha arrimaha dibadda iyo agaasimaha Xafiiska Maareynta Miisaaniyadda inay hakiyaan dhaqaale kasta ama taageero kasta oo ay dowladdu ku bixiso WHO. Si kastaba ha ahaatee, bixitaanka rasmiga ah wuxuu qaadanayaa sanad buuxa, iyadoo sidoo kale Mareykanka waajib ku yahay inuu sii wado maalgelinta WHO inta lagu jiro muddadaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Jariidada New York Times oo Ka Digtey Isticmaalka Cabsida ee Donald Trump si uu u Adkeeyo Xukunkiisa

Trump ayaa caan ku ah adeegsiga cabsi si uu u cabsi geliyo mucaaradka…

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 08:57AM

Trump oo saxiixay tobnaan Digreeto Madaxweyne

Madaxweyne Trump wuxuu saxiixay amar fulineed oo amraya in Mareykanka mar kale ka baxo heshiiska cimilada Paris.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 07:55AM