Trump oo ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimada Israel

Image

Madaxweyne Doland Trump ayaa ku dhawaaqay in magaalada barakaysan ee Qudus ay tahay Caasimadda Israel, isagoona amray in Safaaradda Mareykanka laga soo wareejiyo Tel Aviv, loona raro Bariga magaaladaasi.

Hogaamiyaasha caalamka oo hay'ado kale duwan oo ay kamid tahay QM, ayaa sheegay in go'aanka Trump uu yahay mid mas'uliyadda darro ah, oo horseedayo colaadda iyo deganaansho la'aan gobolka Bari dhexe.

Madaxwenaha Turkiga Erdogan ayaa shaaciyay in dalkiisa uu xiriirka u jari doono Israel, iyadoo Ururka Jaamacadda Carabta ay shir deg deg ah ay isagu imaanayaan maalmaha soo socda magaalada Qaahira, si ay arintan uga hadlaan.

Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo dhaweeyay go'aanka Trump, oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid shacabka Yuhuuda waligeed xasuusan doonaan, islamarkaana ay uga mahadcelinayaan.

Trump ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii January, 2017 waxa uu soo saarey go'aano qalafsan, oo xanaf leh kuwaasi oo keenay inay kala fogaadaan Mareykanka iyo dalalkii xiriirka la lahaa, gaar ahaan kuwa Muslim-ka.

Israel waxay bariga Qudus iyo magaalooyin kale ka qabsatay Falastiin markii uu dhamaaday dagaalka ay la gashay Suuriya, Masar iyo Jordan 1967, mudo hadda 50 sano laga joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM