Trump oo ku eedeeyay Pakistan inay gabaad siiso argagixisada

Image

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay dawladda Pakistan in ay khayaanayso Maraykanka iyadoo balaayiin doolar oo gargaar ah la siinayo.

Twitterkiisii u horreeyay ee uu sannadkan cusub soo dhigo ayuu Pakistan ku eedeeyay in uu gabaad siinayo argagixisada.

Pakistan ayaa Twitterkaas si car leh uga jawaabtay, waxayna sheegtay in dhamaan deeqda la siiyo si fiican loo maareeyo Trumpna uu "ka gubanayo jabka uu Maraykanku kala kulmay Afghanistan".

Maraykankan ayaa ka baaraan dagaya in uu xanibo in kabadan 250 milyan oo doolar oo deeq ah oo Pakistan loo diri lahaa bisha Agoosto.

Tallaabadaas ayaa loo arkaa in ay dhalisay Pakistan oo u muuqda in uu ku guuldaraystay si wayn wax uga qabashada la dagaalanka argagixisada, sida uu ku warramay wargeyska Ney York Times.

"Maraykanku si doqonimo ah ayuu Pakistan u siiyay in kabadan 33 bilyan oo doolar oo deeq ah 15kii sano ee la soo dhaafay, wax aan been iyo khayaano ahaynna kama aanaan helin, iyaga oo u malaynaya in hogaamiyeyaashanadu ay doqomo yihiin," ayuu Twitterka ku qoray Trump.

Wuxuu intaas ku sii daray "gabaad ayay siiyaan argagixisada aan Afghanistan ku ugaarsanayno, caawimaad yar ayaana ka helnaa" taasina ma sii jiri doonro!"

Wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan Khawaja Asif ayaa telefishinka Geo TV ee Pakistan u sheegay "Maraykanka waxaan horayba ugu wargalinay in aysan jirin wax dheeraad ah oon qabanayno, marka Trump "dheeraadkiisu" wax ahmiyad ah ma laha.
Pakistan waxay si cad Maraykanka ula wadaagtaa macluumaadkaste oo ku saabsan qaabka loo adeegsado deeqda Maraykanka laga helo.

Related Articles

Muwaadiniinta Shiinaha oo Lagu Dhibaateeyo Garoomada Diyaaradaha New Zealand

Ganacsiga u dhexeeya labada dal ayaa ah mid aad u ballaaran, iyadoo labada dal ay sanadkii hore wada ganacsadeen qiimo dhan 22.9 bilyan oo doollar.

  • Caalamka

    17-09-2025

  • 07:41AM

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM