Trump oo ku eedeeyay Pakistan inay gabaad siiso argagixisada

Image

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay dawladda Pakistan in ay khayaanayso Maraykanka iyadoo balaayiin doolar oo gargaar ah la siinayo.

Twitterkiisii u horreeyay ee uu sannadkan cusub soo dhigo ayuu Pakistan ku eedeeyay in uu gabaad siinayo argagixisada.

Pakistan ayaa Twitterkaas si car leh uga jawaabtay, waxayna sheegtay in dhamaan deeqda la siiyo si fiican loo maareeyo Trumpna uu "ka gubanayo jabka uu Maraykanku kala kulmay Afghanistan".

Maraykankan ayaa ka baaraan dagaya in uu xanibo in kabadan 250 milyan oo doolar oo deeq ah oo Pakistan loo diri lahaa bisha Agoosto.

Tallaabadaas ayaa loo arkaa in ay dhalisay Pakistan oo u muuqda in uu ku guuldaraystay si wayn wax uga qabashada la dagaalanka argagixisada, sida uu ku warramay wargeyska Ney York Times.

"Maraykanku si doqonimo ah ayuu Pakistan u siiyay in kabadan 33 bilyan oo doolar oo deeq ah 15kii sano ee la soo dhaafay, wax aan been iyo khayaano ahaynna kama aanaan helin, iyaga oo u malaynaya in hogaamiyeyaashanadu ay doqomo yihiin," ayuu Twitterka ku qoray Trump.

Wuxuu intaas ku sii daray "gabaad ayay siiyaan argagixisada aan Afghanistan ku ugaarsanayno, caawimaad yar ayaana ka helnaa" taasina ma sii jiri doonro!"

Wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan Khawaja Asif ayaa telefishinka Geo TV ee Pakistan u sheegay "Maraykanka waxaan horayba ugu wargalinay in aysan jirin wax dheeraad ah oon qabanayno, marka Trump "dheeraadkiisu" wax ahmiyad ah ma laha.
Pakistan waxay si cad Maraykanka ula wadaagtaa macluumaadkaste oo ku saabsan qaabka loo adeegsado deeqda Maraykanka laga helo.

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM