Trump oo Ku Yiri Zelenskyy: Waxaad ku khamaareysaa Dagaalkii 3aad ee Adduunka

Image

WASHINGTON – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa u sheegay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, inuu ku khamaabarayo dagaalkii saddexaad ee adduunka" isagoo ka hadlay xaalada siyaasadeed ee gobolka iyo taageerada Mareykanka ee dagaalka Ukraine.

Trump ayaa sheegay in ficillada Zelenskyy ay halis gelinayaan nabadda adduunka, isagoo tilmaamay in xaaladda hadda taagan ay horseedi karto dagaal caalami ah oo cusub. Labada hogaamiye ayaa dood adag ku dhex-martay shalay Aqalka Cad, iyadoo warbaahinta goobjoog ahayd.

Trump ayaa si adag u dhaleeceeyay siyaasaddii Biden ee taageerada milatari ee Ukraine, wuxuuna sheegay in ay ka dhalatay khataro weyn oo ku saabsan mustaqbalka nabada Adduunka. Wuxuu xusay in loo baahan yahay Ukraine dagaalkeeda si dhaqso ah in lagu soo afjaro.

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa horey ugu baaqay caalamka in uu sii wado taageerada militari ee dalka Ukraine si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Ruushka. Si kastaba ha ahaatee, hadalkan Trump ayaa ka dhigay xaaladda siyaasadeed ee gobolka mid muran iyo shaki dhaliyay.

"Hadii aadan nabada qaadan, annagana waa ka baxaynaa garabkiina," ayuu ku yiri Trump Zelenskyy. Dooda oo daqiiqado badan socotay ayaa kusoo idlaatay buux, iyadoo Zeleskyy lagu amray inuu ka baxo Aqalka Cad.

Zelenskyy ayaa u tagey Washington heshiiska xabad-joojinta Ruushka iyo saxiixa heshiis macdanta dalkaas uu la gali lahaa Trump si Mareykanka maal-gashi ugu sameeyo.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in uu doonayo inuu hubiyo in Mareykanka uu ka fogaado in uu noqdo qayb ka mid ah dagaalka Ukraine, isagoo muujiyay in siyaasadiisa la filayo inay ka duwan tahay tan dowladdii Joe Biden.

Zelenskyy ayaa weli ku adkeysanaya inuu u baahan yahay taageero xooggan si uu uga guuleysto Ruushka, iyada oo taageeradda ka imaanayay waddamada reer galbeedka aysan ahayn sidii hore, maadaama Mareykanka uu joojiyay garab istaaga dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin $28,000 looga dhacay xiriir jaceyl oo loo adeegsaday 'gabar' AI ah

Si ay khiyaanadooda u dhameystiraan, kooxdu waxay xitaa sameeyeen aqoonsi iyo warbixinno caafimaad oo been abuur ah.

  • Caalamka

    26-02-2025

  • 02:12PM

Trump iyo Macron oo Ku Heshiiyay In Kharashka Amniga Ukraine La Wadaago

Kadib markii uu la kulmay Macron in kulan qarsoodi ah oo ka dhacay Aqalka White House muddo ka badan saaca.

  • Caalamka

    25-02-2025

  • 09:09AM