Trump oo la Kulmay Madaxweynaha Suuriya Ahmad al-Sharaa 

Image

RIYADH — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmay madaxweynaha Suuriya Ahmad al-Sharaa, kulankoodii ugu horreeyay ee ay yeeshaan labada hogaamiye, oo horey aqoon uga dhaxayn, balse isku keenay Maxamed Bin Salman.

Kulanka ayaa ka dhacay caasimadda Sacuudiga ee Riyadh, waxaana laga soo sheegay Wakaaladda Wararka ee White House iyo warbaahinta Sacuudiga, inkasta oo aysan jirin faahfaahin ku saabsan waxa ay ka wada hadleen.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan White House, Trump ayaa ogolaaday inuu la kulmo al-Sharaa intii uu booqasho ku joogay Sacuudiga, waxaana kulankaas dhacday Arbacadii.

Isagoo ka hadlayay Forumka Maalgashiga Sacuudiga iyo Mareykanka ee 2025 oo ka dhacay Riyadh Talaadadii, Trump ayaa sheegay inuu amrayo in la qaado cunaqabateynta "xanuunka leh iyo burburinta" ee Mareykanku ku soo rogay Suuriya, isagoo sheegay in tallaabadan ay siinayso fursad Suuriya inay gaarto "midnimo iyo horumar."

Trump ayaa booqashadiisa Sacuudiga ka bilaabay Talaadadii, waxaana qayb ka ah safar uu ku tegayo dalalka Khaliijka, oo ay ka mid yihiin Qatar iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM