Trump oo laga cabsi qabo inuu kashifo sirta mudadii uu xafiiska joogay

Image

WASHINGTON, US - Mas'uuliyiin haatan xil haya iyo qaar horey u soo qabtey ayaa ka cabsi qaba in Donald Trump uu kashifi doono sirta mudadii uu xilka hayey si uu ugu cabsi geliyo dowladaha ajnabiga ama shaqsiyaadka kale si uu ugu helo "macaash siyaasadeed".

Xilli ay tibaaxeen in tani ay dharbaaxo ku noqon doonto mukhaabaraadka Mareykanka, maamulka cusub ee madaxweynaha la doortey Joe Biden ayay ka dhawaajiyeen in ay caqabad ku noqon doonto.

Khuburadda ayaa tibaaxay in Trump uu u dhega-nugulaa warbixinada hay'addaha mukhaabaraadka mudadii uu xafiisja joogay, arrintaas oo ay ka dhawaajiyeen in ay sii kordhineyso walaaca qaba.

"Qof walba oo carooda wuxuu khatar ugu jiraa in uu kashifo macluumaadyo qarsoodi ah. Trump wuxuu ku sifoobay shaqsiyaadkaas," ayuu yiri David Priess, sarkaal hore oo ka tirsanaa Hay'adda CIA-da.

Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in Aqalka Cad uusan ka jawaabin dalab ku aadan in ay ka jawaabahaan walwalka mas'uuliyiinta.

Sidda laga soo xigtey warbixinta jaraa'idka, Trump ayaa 2017-kii u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada Ruushka iyo safiirka u jooga Mareykanka in Washington ay aad u hubiso xogaha ku saabsan Daacish ee kaga yimaada xulafadeeda.

Joe Biden ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaga doorashooyinka 2020 ee Mareykanka, wallow Trump uu ku adkeysanayo in aan laga adkaan isla markaana uu ka dhursugayo go'aanka maxkamadda sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM

Diyaarad Ethiopian Airlines leedahay oo loo diiday inay ku degto Israa’iil sababo la xiriira dhalashada duuliyaha

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan habraacyada amniga duulista, gaar ahaan kaddib isku daygii afduubka diyaaradda Flydubai.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 07:06AM