Trump oo lagu eedeeyay inuu booqanayo dalal qoyskiisa dano ganacsi ka leh

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya su’aalo isa soo taraya oo la xiriira xiriirrada ganacsi ee qoyskiisa ku leeyihiin Bariga Dhexe, iyadoo dad dhaliilaya ay ka walaacsan yihiin suurtagalnimada khilaaf dano shaqsi ah iyo maslaxadda qaranka.

Qoyska Trump ayaa danaha ganacsi ku leh saddexda dal ee uu hadda booqanayo — Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Imaaraadka Carabta — taasoo ah safarkiisii ugu horreeyay ee Bariga Dhexe tan iyo markii uu dib ugu laabtay Aqalka Cad horaantii sanadkan.

Warar dhowaan soo baxay ayaa muujinaya in shirkadda lacagaha digitalka ee uu Trump aasaasay, World Liberty Financial, ay la shaqaynayso shirkad laga leeyahay Abu Dhabi si ay u hirgeliso heshiis $2 bilyan ah oo lagu maalgelinayo suuqyada lacagaha digitalka.

Bishii hore, wiilka labaad ee Trump, Eric Trump, ayaa dhameystiray heshiis ku kacaya $5.5 bilyan oo lagu dhisayo xarun golf oo casri ah gudaha Qatar.

Dhanka Sacuudiga, Trump Organisation waxay ka waddaa ugu yaraan saddex mashruuc oo ay ka mid yihiin horumarinta dhismayaal degaan iyo garoon golf ah.

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeymaha sheegaya in Trump uu danihiisa gaar ah u adeegsanayo safarka, iyadoo tiri: “Waa wax lagu qoslo in la yiraahdo Madaxweyne Trump wuxuu u safaraya danihiisa. Wuxuu ka tegay nolol raaxo leh iyo hanti ganacsi si uu ugu adeego shacabka Mareykanka — mar labaad.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM