Trump oo lagu xukumayo in uu maalin walba bixiyo $10,000
WASHINGTON, USA - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Letitia James ayaa Khamiistii maxkamada New York ka codsatay in Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump lagu sameeyo fadeexad madani ah isagoo lagu eedeeyay inuu quudhsaday go'aan maxkamadeed oo farayey inuu wakhti xadidan ku soo gudbiyo macluumaad laga rabay.
Garsooraha gobolka Arthur Engoron ayaa bishii Febraayo ku amray Trump inuu si buuxda ugu hoggaansamo amarka maxkamadda ee ahaa in uu soo wareejiyo dukumeentiyada laga doonayo.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay Khamiistii in Trump "uusan gabi ahaanba u hoggaansamin" amarka soo gudbinta dukumentiyada iyo in qareennadiisu ay sheegeen in uusan "wax" dukumeenti ah keeni doonin.
Faylalka cusub ee yaala xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa sheegaya in wakhtiga kama dambeyska ah uu markii hore ahaa bilawga bisha Maarso balse markii danbe laga dhigay illaa 31 Maarso.
Trump ayaa badalkii laga doonaye in uu soo gudbiyo macluumaadka waxaa uu soo bandhigay 16 sabab oo uu ku diidayo amarka maxkamadda.
Qareenada Trump ayaa sidoo kale xafiiska xeer ilaaliyaha guud u gudbiyay warqad cadeyn ah oo sheegeysa in madaxweynihii hore uu awoodi waaye in uu helo dukumeentiyada.
James ayaa ku dooday Khamiistii in jawaabta qareennada Trump ay la mid tahay "dib u dhac badan iyo aflagaado," isagoona sheegay in diidmadiisa ay soo daahday.
Waxay sheegtay in Trump "ay aad ugu dhowdahay in uu hayo dukumeentiyo badan" oo ku saabsan baadhitaankeeda iyo in uu ku guul daraystay in uu si waafi ah u faahfaahiyo dadaalkii uu u galay raadinta dukumentiyada ay maxkamadda codsatay.
"Mudane Trump hadda waxaa lagu hayaa quudhsi ka dhan ah amarka maxkamadda waana in lagu ganaaxo lacag ku filan u hoggaansamidda amarka maxkamadda iyo bixinta kharashaadka la xiriira mooshinkan,” ayaa lagu yiri faylalka cusub.
Xeer-ilaaliye Letitia James, ayaa maxkamadda ka codsatay in madaxweynihii hore lagu xukumo lacag gaadhaysa illaa $10,000 maalintii, taas oo ah xaddi lacageed oo ku khasbi kara madaxweynaha inuu hoggaansamo.
Trump ayaa ku guda jira rafcaan uu bishii February ka qaatay xukun maxkamadeed oo ku khasbayey inuu ka jawaabo su'aalaha dhaarta ee baadhitaanka madaniga ah, laakiin kama uusan dacwoon karayn go'aan u dhigma waqtiga kama dambaysta ah ee ay tahay inuu ku gudbiyo dukumentiyada laga rabay.
Qareenka u doodaya Trump ayaa bayaan uu soo saaray Khamiistii ku sheegay; "waxaan cadeyneynaa inaan si adag uga soo horjeedno mooshinka aan sal iyo raadka toona lahayn ee maanta loo gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud."
Marka laga soo tago baaritaanka madaniga ah ee James bilaabay, Ururka Trump ayaa sidoo kale wajahaya dambi baaris uu hogaaminayo xeer ilaaliyaha degmada Manhattan.
GAROWE ONLINE